Gudoomiyaha Kuxigeen JWXO Mudane Mohamed Ismaciil Omar oo si weyn loogu soo dhaweeyay Edminton Alberta dalka Canada.

Jan 29, (2013 (QOL) Wafti heer sare ah oo uu hogaaminaayo Gudoomiye ku xigeenka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya mudane Dr. Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa maanta ka soo dagay garoonka weyn ee caalamiga ah ee magaalada Edmonton ee dalka Canada, Loona yaqaano Edmonton International Airport ee gobolka Alberta.

Gudoomiyaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada Soomalida Ogaadeeniya ee ku dhaqan gobolka Alberta kaas oo uu horkacayey isuduwaha jaaliyadaha Canada Yuusuf Maxamed iyo gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton halgame Cumar Xirsi, madaxa hogaanka arimaha Ururka ee jaaliyadaha Canada naftii hure Maxamed Aadan Dubad (Abshir) iyo xubin sare oo ka mida ah Golaha Dhexe ee JWXO halgame Maxamed Maclin Axmed.

Waxaa gudoomiyaha markii uu ka soo baxay irid hore ee garoonka waxaa qoorta ugaliyey ubax aad u qurux badan gabdhaha Soomaalida Ogaadeeniya oo ku labisan dhar laga sameeyey calanka Ogaadeeniya runtiina waxaa halkaa ka muuqatay jawi farxadeed oo midba midkale ugu hambalyeynayo in maanta arkaan gudoomiye ku xigeenkooda JWXO oo ay mudo sugayeen.

Waxaa G/xigeenka loo dheelmiyey madashii loogu talo galay in uu ku nasto oo ah huteelweyn oo ku yaala badhtamaha magaalada Edmonton. G/xigeenku Mohamed Ismciil wuxuu u yimid hawlo shaqo iyo in uu la kulmo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Ogaadeeniya iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Alberta ee dalka Canada. Wuxuuna ka soo socdaalay dalka Marykanka oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa isaga oo shirar & kulamo badan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ku sugan dalka Canada.

Waxaa goobta garoonka ku sugnaa Wariyaha Qorahay Media ee dalka Canada C/raxmaan oo inoo soo gudbin doona dhamaan hawlaha uu G/xigeenka ku qaban doono dalka Canada isaga oo dhamaan bulshadu wada sugayso shirara lagu wado in uu ku qabto isaga oo meelo kala duwan mari doona.

Qorahay Media
C/raxmaan, Edmonton
Canada.
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online