Jan 29, (2013 (QOL)
Ciyaaraha cawa ay wada ciyarayeen Wadamada
ku wada jiro Group B, ayaa waxa ay isku arkeen sidan, Dr
Congo Vs Mali & Niger Vs Ghana, Hadaba Afartan wadan
ee ku wada jiro Group
B,ayaa
cawa wadan walba waxa uu awoda saray sidii uga soo gudbi
lahaa wareega labaad ee ciyaaraha African Cup of Nation,
Hadaba labada wadan ee kala ah Dr Congo Vs Mali oo isku
dhagana ciyaar aad u kulul na dhax martay ayaa gool kii
ugu horayay waxa ku hor maray wadanka Dr Congo markii ay
haleen Binalti ciyaarta markii ay socotay 3 daqiiqo oo kaliya
waxana u laday ciyaartoyga reer DR Congo Dieumerci Mbokan
wuxuuna u laday si xaraga leh una soo tabsiyay shabaqa,
ciyaarta markii ay socotay 14 daqiiqo oo qura aya gool kii
barbar dhaca wadanka Mali waxa u kenay ciyaartooyga lagu
magacabo Mamadou, wadanka DR Congo oo barbardhaca ku haryay
ayaa waxa uu isku dayay in ay ka badiyaan wadanka Mali laakiin
se ma aysan dhicin taas oo ciyaartii waxa ay ku so gaba
gabowday DR Congo 1-1 Mali, waxana sidaas ku soo baxay wadanka
Maali oo wato 4 dhibcood mesha DR Congo ay heshay 3 dhibcood
oo ayan ku hartay wareegi kobaad ee African cup of nations.

Waxa ayagana ciyaar aad u kulul dhax martay
labada wadan ee Group B ku wada jiro oo kala ah,Niger Vs
Ghana ciyaartan ayaa waxa ay aheyd ciyaar aad u kulul waloow
laga awood badnaa wadanka Niger oo xulka Ghana oo soo badhigay
ciyaar aad u kulul ugana awood badnayd wadanka Niger ciyaarta
markii ay maraysay 6 daqiiqo oo kaliya ayaa gool aad u qurux
badan wadanka Ghana waxa u sixiixay ciyaartoyga lagu magacabo
Gyan oo ah laacib ah isla 23 daqiiqo ciyaarta markii ay
maraysay ayaa isla wadanka Ghana waxa uu halay gool kale
oo aad u soo jiitay dhamaan tageerayashii Reer Ghana waxana
u sixiixay laacibka lagu magacabo Chiristian Atsu, intas
kuma aysan dhamanine ayada o lagu jiro isla wareegii kobaad
ayaa gool kii sadaxaad waxaa u dhaliyay isla wadanka Ghana
ciyaartoygoda lagu magacabo John Boye ciyaarta ayaa waxa
ay wareegii kobaad waxa ay ku dhamaatay Niger 0-3Ghana sadax
gool wareegii labaad ayaa wax ba la iska dhalin oo ciyaarta
waxa ay ku dhamatay 90 kii daqiqaba Niger 0-3Ghana.

Isku soo wada duuboo wareega labadaad Group
B waxa u so gudbay labada wadan ee kala ah Ghana iyo Mali
, Ghana ayaa Group B hogaaminayso waxayna ledahay 7 dhibcood
halka Mali na way ku soo baxday 4 dhibcood oo kaliya waxaa
cawa borsoyin kodii wadamadoodii u qatay labada wadan ee
kala ah DR Congo iyo waliba wadanka Niger. Haduu alla idmo
waxa bari wada ciyaari doono Group C waxayna u ciyaari doonaan
sidan,Burkina Faso Vs Zambia iyo Ethiopia Vs Negiria, afartan
wadan ayaa isku sacad wada ciyaaridoono waxana soo bixi
doono labada wadan oo kaliya halka labada wadan ay boorsooyin
kooda wadamadoodii u qadan doonaan.


Kala soco African Cup of Nation Qorahay Media
Oogle Yare
Qorahay Media
Cape Town, South Africa
Sports CAF
qorahay99@yahoo.com