Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria ayaa ka qeybqaadatay Mudaharad looga soohorjeedo Dowlada Sri Lanka.

Jan 29, (2013 (QOL) Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria dalka Australia ayaa ka qeybqaadatay Mudaharad looga soo horjeedo Dowlada Sri Lanka oo lagu eedeeyeey in ey ka masuul ahaayeen Xasuuqa baahsan ee ay u gaysatay dadka u dhashay Tamilka.

Mudaharadkaan ayaa ka soo qeyb galeen qoomiyadka kala duwan ee ku nool magalada Melbourne ayaga oo aad uga xun xasuuqa, cunaqabateen iyo Gumeysiga. Mudane Abdulahi Bashir oo matalayeey Jaaliyada Ogadenia ee Victoria iyo Ururka Oysu Melbourne ayaa halkaas ka soo jeediyeey warbixin kooban. Abdulahi wuxuu dulmar ku sameeyay Taarikhda Ogadenia iyo xasuuqa laguhayo Soomaalida Ogadenia oo ah mid aduunku indhaha ka qarsaday oo u baahan in laga hor tago xasuuqa ay Itoobiya ka wada Ogadenia. Wuxuna u mahadceliyeey Jaaliyada Sri Lanka sida sharafta leh eey u marti galiyeen Jaaliyada S/Ogadenia ee Victoria.

Waxeey Jaaliyada s/Ogadenia ku qeybiyen mudaharadka waraaqo ka hadlaya Tariikhda, dhaqanka iyo xasuuqa Soomaalida Ogadenia. Halkan ka daawo sawiradii.

Mudaharadka ayaa guul ku dhamaaday.

Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne
Qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online