Jan 30, (2013 (QOL)
Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku aadan
tahay 29-1-2013 ka dhacay magaalada Port Elizabeth ee xarunta
Gobolka Eastern Cape Shirkii Biliha ahaa ee Xubnaha Jaaliyada
Ogadeniya ee South Africa Shirkan oo ahaa shir ay ka soo
qayb galeen dhamaan Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee ku sugan
nawaaxiga magaalada Port Elizabeth (PE) ayaa ahaa shir si
heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay isugu yimaadeen
Xubno farabadan & marti sharaf ka tirsan Jaaliyada Ogadeniya
ku waas oo ah muwaadaniin South African ah.

Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxa uu gogol
dhigiisu ahaa sidii loo sii xoo jinlahaa Halganka ka socda
gudaha & dibadaba ee lagu baadi goobaayo Xoriyada Ogadeniya
kaas oo ay hogaaminayso Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya
ONLF & iska Caabinta dadka raba inay Halganka Hagardaameeyaan
ku waas oo uu Gumeysiga Itoobiya Soo dirsaday.

Xubnihii ka soo qaybgalay shirka ooy wadiyadooda
ka muuqatay qiiro wadaniyadeed & dareen halgan ayaa
waxaa war bixin kooban siiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya
ee South Africa Halgame Bashiir warbixintaas oo ku saabsanayd
Gudaha Ogadeniya & Halganku meesha uu wakhtigan xaaliga
ah maraayo
Waxaa kale oo Kulanka ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan
Hawl wadeenada Jaaliyada Ogadeniya & Marti sharaf kale
waxayna dhamaan tood hoosta ka xariiqay iskuna raaceen inay
xubnaha Jaaliyadu ka digtoonaadaan xeeladaha Gumeysiga Itoobiya
u maleegaayo shacabka Somalida Ogadeniya meel kasta oo ay
joogaanba khaasatan Koonfur Africa oo ay soo gaadheen shakhsiyaad
uu gumaysigu soo dirsaday.

Cambaarayn.
Wuxuu shirku Cambaarayn kulul u diray maamulka
macangaga ah ee TPLF kaas oo xasuuq wadareed kagaysta Ogadenia
maalin walba siguud , gaar ahaan wuxuu shirku cabaareeyay
malayshiyaadka loo Carbiyay sida loo xasuuqo Shacabka aan
waxba galabsanin ee Bir magaydada ah Malayshiyaadkaas oo
lagu magacaabo (Liyuu Police) islamarkaana ku hadla Afka-Somaliga.

Baaq iyo digniin.
Shirku wuxuu baaq udirayaa dhamaan bulsho
weynta Somalida Ogadenia in ay sii dardar galiyaan halganka
hubaysan ee ay uga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya qof
walibana laban laabo dadaalkiisa isaga oo marwalba xasuusanaaya
xigmadda odhan haysa ( wixii shalay tagay kuma so maro,
waxaad bari qaban lahayd maanta qabo), sidookale wuxuu shirku
shacab weynaha Ogadenia uga digay in ay ka digtoonaadaan
xeeladaha cadawgu uu maleegaayo , dhankakale shirku wuxuu
digniin culus ujeediyay Shakhsiyaadka liita ee marwalba
lagu kasbado shilimaadka aan micnaha kufadhiyin islamarkaana
doonaaya inay ugaadhsadaan Shacabka Somalida Ogadeniya iyaga
oo raba inay fuliyaan Danaha Gumeysiga.



Xayi Yare iyo Dr Qiso
Qorahay Media
Port Elizabeth
South Africa