Dagaal xoogan oo ka dhacay aaga Wardheer maxaabiisna dhan 14 lagu qabtay oo ay qadeen CWXO.

Jan 30, (2013 (QOL) Warar hordhac ah oo hadda soo gaadhaya Warbaahinta Qorahay Media ayaa sheegaya weerer aad u culus oo ay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya qaybta Heegan ku qadaan Askar Itoobiyaan ah oo ku sugan aaga Wardheer shalay casarkii. Warku wuxuu intaas ku daraa in khasaare baaxad badan loo gaystay Askarta Gumaysiga Itoobiya ee ku sugnaa meel u dhow magaalada Wardheer.

Sida ay no shegeen dad ka agdhowaa aaga dagaalku ka dheceen oo ku sugan magaalada Wardheer waxaa Askarta Itoobiyaanka loo gaystay dharbaaxe aad u badan oo naf & maalba leh.

Dhanka kale Mar aan xidhiidh la samaynay mid kamid ah saraakiisha CWXO ayaa noo xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen Maxaabiis gaadhaysa 14 oo ay ku qabteen goobta dagaalku ka dhacay ee aaga Wardheer, sidoo kalena ay Hub aad u badan ka heleen goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalkan shalay ka dhacay aaga Wardheer ee ay qadeen CWXO qaybta Heegan ayaa ah mid aad u xoogan faah-faahintiisana dib ayaan ka soo qoraynaa haduu allaah ogalaado.

Gaaxnuug Cali
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online