Khasaarihii daadadka Australia oo sii batay iyo dhul hor leh oo ay saameeyeen.

Jan 30, (2013 (QOL) Daadad ayaa ku dhuftay qeybo kamid ah wadanka Australia gaar ahaan dhinaca bariga waxaana la samata bixinayaa maalintii sadexaad dhibanayaaal ku waxyeeloobay daadadkan oo lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee soo maray wadanka Australlia.

Daadadkan ayaa waxaa ku nafwaayey inta la hubo afar qofood halka qaar kalana la la,yahay meel ay ku danbeeyeen, Daadadkan ayaa waxey dabooleen in kabadan 700 oo KM oo ah dhulka ku dherersan xeebta bariga Australlia.

In ka badan 2000 oo ah hantidii iyo guryihii dadka daganaa magaalada la yidhaahdo BUNDABREG ee gobolka QUEENS LAND ilaa dakkadda COFIS ee koonfurta ayaa ku wax yeellooobay daadadkan.

Kumannaan qof ayaa habeenkiii saddexaad u hoyday gobo ay dawladdu ugu tala gashay dadka in lagu xannaaneeyo kadib Markey guryahoodi iyo dhammaan hantidoodi ku waaayeen daadadka waxeyna sugayaan in diyaarado lagu daad gureeyo saacadaha soo socda.

Dadkan waxaa kamid ah wiil yar oo sadex sano jir ah oo ay geedo ku dumeen kadibna sidaas ku geeriyooday sidoo kale waxaa kamid ah nin curyaan ahaa oo gaadhiga cagoolayaasha sittay balse waxaa ka awood badiyey daadadka sidaas ayuuna ku geeriyooday iyo labi nin oo doon ay saarnaayeen ay la qallibantay iyagoo rabo inay dad badbaadiyaan.

Diyaaradaha ayaa hadda billaabay inay dad xanuunsan oo ku sugnaa Hospitalka magaalada inay ka daad gureeyaan. 14 diyaaradood ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya bad baadinta dadka ku wax yeelloobay daadadka oo qaar badan oo kamid ah ay saaranyihiin saanqaafka guryahooda si loo geeyo goobaha dadka laga daad gureynayo ee daafaha magaalada ku yaalla.

Magaalada Melbourne oo ah magaalada labaad ee wadanka Australlia ugu weyn marka laga reebo Sydney oo ah magaalada ugu dadkan badan ayaa la filayaa inaaney daadku gaadhin heerkii ay gaadheen sannaddii 2011 ka daadadkii ka dhacay aagaas waagaas oo ay biyuhu ka sare mareen in ka badan 20000 oo hantida shacabka aheyd.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online