Cadaanka Hargeysa laga daad gureynayo ma cabsi waqooyi ka jirta ayaa sabab u ah mise waa ciqaab SNM la marinayo??!

Jan 30, (2013 (QOL) Waxaa maalmahan saxaafadda caalamku aad ula kala ordeysey qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo lagu dalbanayey inay dhammaanba dadka reer galbeedka u dhashay ee ku sugan gobollada W/Galbeed ee wadanka soomaaliya si deg deg ah uga soo baxaan.

Hadalka wasaaradda ayaa haddaba siyaabo kala duwan loo fasiray dadka qaarkii ayaa yidhi digniintu waa dhab oo alshabaab ayaa u soo wareegtay buuraha Galgala iyo Golis isla markaana qorsheyneysa inay weeraro laxaad leh ka fulisso guud ahaan gobollada W/Galbeed iyo waliba W/Bari ee soomaaliya.

Dadka arrintan ka hadlay ayaa qaar kalana ay u akhriyeen sidaas si ka duwan oo ah inaaney gabi ahaanba wax khatar ah ka jirin gobolladan balse digniintanu ay tahay mid siyaasad ka dambeyso ujeedada laga leeyahayna ay tahay bey yidhaahdeen in maamulka Hargeysa ka taliya baarimaha laga riffo si uu ugu dabco wada hadallada soo socda ee dhax mari doona Soomaaliya labadeeda qeybood.

Waxyaabaha digniinta in laga shakiyo dhaliyey ayaa waxaa ka mid ah dalabka Ingriiska ee ah inay xiittaa soo baxaan dadka asalkoodu Soomaalida yahay balse heysta dhalashada wadanka Ingriiska taas ayana dhalisay in su,aal la iska weydiiyo waxa keenay maadaama aaney dadka Soomaalidu dhalasho kasta ha wataane ay yihiin dad isku mid ah.

Waxaa kale oo iyana wax lala yaabo ah in la yidhaahdo dhamaan 12000 kun ee Soomaalida ah ee ku sugan Soomaaliya ay khatar ku soo wada wajahan tahay iyadoo la ogyahay inaaney qaar badan oo kamid ah alshabaab aqoonba u laheyn inay dhalasho British heystaana aaneyba ogeyn dadka oo isku mid ah awgeed.

Digniinta ayaa ugu danbeystii loo arkay inay tahay farriin uu ingrissku u dirayo Maamulka Siilaanyo taas oo ah inaaney marnaba ku fikirin inay soomaaliya ka go'aan.

Wadanka Ingriiska ayaa ah wadanka ugu number sareeya dhinaca jaaliyadda soomaalida ku nool wadamada midowga yurub waxaana kunool 100.000 oo qof oo aslkoodu Soomaali yahay labo iyo toban kun oo dadkaas kamid ah waxey ku sugan yihiin wadanka soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa in shirweyne nabadeed lagu qaban doono wadanka Ingiriiska bilaha soo socda kaas oo la damacsan yahay in Soomaalidu ku heshiiso waxaana la tilmaamayaa inay tallaabooyikanu taas gogol dhig u yihiin isla markaana maamulka Hargeysa la rabo intaa ka hor in siyaabo kala duwan wax loogu sheego.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online