Jan 30, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabridahare
ee xarunta Gobalka Qorahay
ayaa
sheegaya dagaal ka dhacay dhalay magaaladda Xudurayle
oo dhawr & sodon KM u jirta magaalada Qarbridahare.
Dagaalkaas ayaa la sheegaya in ay Ciidanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya weerar ku qadeen Askar Itoobiyaan
ah oo ka yimid dhanka Qabridahare una sii jeeday sida la
sheegayo Magaalada Xudurayle.
Wararku waxay sheegayaa in Askarta Itoobiyaanka
ah dhibaato badan loogu gaystay weerarka gaadmada ah ee
aysan filanaynin waxaana la sheegaya in askar lagaga layay
anaan faah-faahintooday haynin.
Dagaalkan ayaa la sheegaya in uu gaystay dhimasho
& dhaawacba waxaana nalooga magac dhabay dadka dhaawaca
ah wiil ay Walaalo yihiin Abdi Aadan Waris onaan magiciisa
haynin waxaana todobaadkii hore Abdi
Aadan
Waris dhaawac halis ah loogaystay ilaa & hadana aan
la garanayin meel uu ku sugan yahay.
Dhanka kale Meesha loo yaqaano Bali-wariire
oo ku yaala Bariga Shilaabo ayaa isla shalay sida
la sheegayo dagaal weerar ah lagu qaaday Askarta Gumaysiga
Itoobiya waxaana la sheegayaa in lagu ragaadiyay Askarta
Itoobiyanka ahaa ee halkaas marayay waxaana la sheegayaa
in gurmad dalbadeen gurmadkii laftisiina la helay.
Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa
goobtaan dagaalku shalay ka dhacay CWXO ku furteen 15 qori
oo AK 47 ah kuwaas oo arkartii wadatay wax caray & wax
isdhiibay noqdeen.
Dagaalo qorshaysan oo aad u balaadhan ayaa
ka socda guud ahaan Ogaadeenya kuwaas oo u dhexeeya CWXO
& Askarta Gumaysiga Itoobiya, dagaaladaas oo ka dhacaya
Gobalada Ogaadeenya wuxuuna yaab & amakaag ku riday
Askarta Gumaysiga oo culays badan ka soo fuulay awooda ay
CWXO ku qorshaynayaa weeraradan aan kala joogsiga lahayn
ee lagu naafaynayo Askarta Gumaysiga Itoobiya. Wixii ka
soo kordha ha ka fogaanin Qorahay Media oo diiradda ku haysa
xaaladda Ogaadeenya.
Gaaxnuug Cali
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com