Jan 31, (2013 (QOL)
Habeenimadii Xalay ayaa boob xoogan la gu
qaaday Dukaamo farabadan oo ku yaala Magaalada Kwanobuhle
oo 30km kaga beegan dhinaca Galbeedka magaala Madaxda Gobolka
Eastern Cape ee Port Elizabeth (PE) boobkan oo bilawday
11:00pm Fiidnimo Saacada SA ayaa socday ilaa barqanimadii
dambe.

Dadka ganacsatada ah ee Dukaamada laga boobay ayaa isugu
jiray Somaali ,Itoobiyan iyo muwaadiniin u dhashay wadanka
Ogadeniya, tirada Dukaamadan Cagta la mariyay ayaa naloogu
sheegay inay gaadhayan ugu yaraan 29 Dukaan ku waas oo dhamaan
hantidii taalay ay boobeen Dadka deegaankas dagani.
Milkiilayaal aan wax ka waydiinay dhacdana soo gaadhay
dadkan Qaxootiga ah ayaa noo xaqiijiyay inay jiraan Dukaamo
dhawr ah oo Dab la qabadsiiyay kadib markay qaateen wixii
Alaab ahayd ee taalay Dukaamada islamarkaana ay jiraan dhalinyaro
Somali ah ooy dhaawacyo ka soo gaadheen rabshadahan.
Mar ay noo suuro gashay inaan wax ka way diino Odayga Xaafada
ay rabshadu ka bilaabatay Arimaha nooca nookale ah ee markasta
ku soo noqnoqda dadka soo galoowtiga ah ayaa noo sheegay
inay jirto isfaham la’aan u dhaxaysa Dadka soo galowtiga
ah iyo muwaadiniinta South African-ka ah.

Dhanka kale Dadka qaar ayaa aaminsan inay Ciidamada amaanku
kagaabiyaan kaalintooda kaga aadan sugida amaanka iyo badbaadinta
xuquuqda Qaxootiga ku soo qaxay wadanka South Africa waxayna
ku andaconayaan inay jirto dhibaato cunsurinimo ku salaysan
oo ay South African-ku kula kacaan Dadka qaxootiga ah ee
Nolol maalmood kood raad sanaaya, ilaa iyo hada ma jiraan
wax ka hadlay Arintan ay dadka Madoobi kula kacaan qaxootiga
soo miciinsaday wadan South Africa.
Sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee Cagta
la mariyo Dukaamada ay leeyihiin dadka qaxootiga ah ee ka
soo jeeda Somaliya, Itoobiya , iyo Ogadeniya ee ku soo cararay
wadanka South Africa.
Xayi Yare
Port Elizabeth
Qorahay Media
South Africa
qorahay99@yahoo.com