Xulalka Ivory Coast iyo Togo ayaa ku biiray xulalka usoo gudbay wareegga 8,iyadoo tartanka ay ka hareen wadamada Tunisia iyo Algeria.

Jan 31, (2013 (QOL) Xulka Ivory Coast ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay group D, halka xulka Togo uu isna kusoo baxay kaalinta labaad, kadib marki uu bar-baro la galay xulka Tunisia.

Tunisia ayaana kaalinta labaad looga galay 3 gool, maadama ay isku dhibca noqdeen iyaga iyo Togo, waxaana xulka Togo uu kusoo baxay farqiga goolasha oo hal gool Togo lahayd +1 halka Tunisia lagu halaha laba gool -2
Xulka Ivory Coast ayaa kal hore xaqiijistay usoo bixitaanka wareegga 8, waxaana kulankiisi xalay uu bar-baro min laba gool ah la galay xulka horay uga haray tartankan ee Algeria. Group A waxaa kasoo baxay xulalka South Africa iyo Cape Verde, halka group B uu kasoo baxay xulalka Ghana iyo Mali.

Group C waxaa kasoo baxay xulalka Burkina Faso iyo Nigeria, halka group D uu kasoo baxay xulalka Ivory Coast iyo Togo.

Hadaba sideeda xul ee usoo gudbay wareegga 8 ayaa waxa ay isugu soo adiyay sidan ama ay isku arki doonaan, Xulka marti gelina koobkan qaramaad Afrika ee South Africa Bafana Bafana ayaa wajahi doona xulka Mali oo kaalinta labaad kaga soo baxay group B, halka xulka Ghana oo kaalinta koowaad kaga soo baxay group B ay is arkayaan xulka jaziiradda yare e Cape Verde.

Xulka Ivory Coast ayaa waxa uu kusoo aaday xulka kaalinta labaad kaga soo baxay group C ee Nigeria, waxaana kulankaasi uu noqonayaa kulanka ugu adag uguna xiisaha badan wareegga 8-da.
Burkina Faso oo kusoo baxday kaalinta koowaad ee group-ka C ayaa waxa ay is arkayaan xulka nasiibka kusoo baxay ee Togo.

3 xul oo kala ah Tunisia, Zambia iyo Angola ayaa waxaa ka hiiliyay kubadda, halka hal wadana ay ka hiiliyeen garsoorayaasha, waxaana halkaas wadan uu yahay Togo Xulka Togo waxaa si cad loogu diiday laba Rigooro sax ahaa.

Cayaarta ugu horreysa ee wareega 8 ayaa waxaa la cayaari doono labada bisha febraayo oo ku aadan maalinimo Sabti ah, waxaana wada cayaari doono xulalka Ghana iyo Cape Verde oo isku dhacaya, halak xulka South Africa uu la cayaarayo xulka Mali.

Wadamada Waraaga 8aad u soo baxay sidan ayeey iskugu aadeen
Ghana Vs Cape Verde iyo South Africa Vs Mali waxayna ciyaaridoonan 2 February waxaa ayagana 3 da February wada ciyaaridoono Afarta wadan ee kala ah.

Ivory Coast Vs Nigeria iyo Burkina Faso Vs Togo Sideedan wadan ayaa ayaa waxa laga rabaa in ay afar wadan soo baxaan hadaba la arki doono wadamada Afarta ah ee wareega 4 raad u so gudbo
Kala soco qorahay Media African Cup of Nations.

Oogle yare
Qorahay Media
Cape town, South Africa
Sports CAF
qorahay99@yahoo.com


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online