Jan 31, (2013 (QOL)
Waxuu idiin soo bandhigayaa Machadka IHASA
Dood-Cilmiyeed lagaga hadlayo waxyaabaha lagala kulmo nidaamka
Federaalka iyo xukuumadaha ku dhaqma waxay ka faa’ideen.
Sidaad la socotaan waxaa ka dhacay Somaliya dagaal sokeeye
oo lagu burburiya Qarankii Somaliyeed iyo dawladnimadii.
Waxaa khatar galay dareenkii umadnimo iyo in dawlad iyo
xukuumad loo wada dhan yahay lagu midoobi karo. Waxaa badalay
dareen gobolaysi ah iyo inuu gobol walba ka madaxbanaan
karo dalka intiisa kale, maamul u gooni ahna dhisan karo.
Dareenkaa abuurmay iyo mudada dheer ee dagaalada sokeeye
ay socdaan iyo soo faragalinta dawladaha danaha gaarka ah
ka leh Somaliya, waxay keentay in loo arko nidaam Federaali
ah in lagu dhiso dawladda oo lagu soo celiyo qarankii burburay.
Nidaamkaasi wuxuu leeyahay faa’iido badan iyo khatar
gaar ah hadaan si fiican loo fahmin oo xukuumadda dhexe
iyo kuwa goboladaba aanay ugu dhaqmin sida xeerka uu qorayo.
Mawaadiic ku saabsan xaaladda Somaliya iyo nidaamka Federaalka
ah ayaa aqoon-isweydaarsiga uu soo diyaariyay Machadka IHASA
lagaga hadli doonaa. Waxaana marti-sharaf ku ah aqoonyahanada
ku xusan warqadda uu soo gudbiyay machadka.
Dhamaan dadweynaha Somaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay
ka soo qaybgalaan Dood-Cilmiyeedkan
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com