Jan 22, (2013
(QOL) Dalka Koonfur Afrika ayaa
waxaa si habsami ah ugu socoto tartanka koobka qaramada
qaaradda Afrika, iyadoo ay ka qayb galayaan 16 dal
oo ka kala socfa qaaradda madow ee Afrika.
Shalay
waxaa garoonka kubadda cagta ee Mbombela Stadium
ee magaalada Nelspruit, cayaar xiiso lahayd isaga
horyimid xulalka Zambia iyo Ethiopia,taasoo kusoo
dhamaatay bareejo min hal gool ah. Zambia
1 – 1 Ethiopia
Xulka Ethiopia ayaa waxaa calaamadda casaanka si
toos ah looga siiyay goolhayahooda lagu magacaabo
Jamel Tassew,kaasoo qalad ku galay ciyaaryahanka
lambarka sadexaad ee xulka Zambia, xilli uu u furnaa
goolka.
Xulka Zambia ayaa gool helay daqiiqadii 3-aad ee
lagu daray 45-ti daqiiqo ee nuski saaca ee hore,
waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Collins Mbesuma,
halka xulka Ethiopia uusoo nooleeyay ciyaaryahan
Adane Girma, marki uu goolka bareejada ahaa u dhaliyay
xulkiisa Ethiopia daqiiqadii 65-aad ee nuski saaca
ee danbe.

Cayaarta ayaa kusoo dhamaatay bareejo min hal gool
ah, waxaana labadan xul ay kuwada jiraan Group-ka
C.
Dhinaca kale Xulalka Nigeria VS Burkina
Faso ayaa iyaguna cayaartoodu kusoo dhamaatay
bareejo min hal gool ah Nigeria 1-1 Burkina
Faso

Xulka Mali ayaa ilaa iyo haatan guul gaaray, tan
iyo marki uu furmay tartanka koobka qaramada qaaradad
Africa, waxaana xulka Mali uu 1-0 uga soo adgaaday
xulka Niger maalinti Axadda aheyd hadaba isku soo
wada duuboo ciyaraha African Cup of Nations ayaa
wali waxa ay ka socdaan wadanka south Africa maalintii
sadaxaad.

Waxaa manta wada cayaari doonaa Group-ka D. oo
ku wada jiraan Xulka Ivory Coast Vs Togo
waxa kale oo isla manta ciyaari doono Tunisia
Vs Algeria kala soco Ciyaaraha African
Cup of Nations (CAF) Warbaahinta Qorahay Media.

Oogle Yare
Qorahay Media
Cape town, South Africa
Sports CAF
qorahay99@yahoo.com