Jeelka lagu ciqaabo shacabka ee Jeel Ogaden maxaad kala socotaa

Warar
Jeelka weeyn ee magaalada Jigjiga ku dhex yaala ee loo yaqaan Jeel Ogaden sheekadiisa kuma cusba dadka Soomaaliyeed meel kasta oo aay joogaan dhaqamadiisana waxaa ka mid ah in lasoo xidho qof haween ah oo heysata laba caruur ah kadibna hooyadii iyo caruurtiiba jeelka la isugu keeno mudo badana halkaas ku jiraan, waa dhaqamada foosha xun oo aay ku kacaan ciidanka gumeeysiga Tigreega iyo kuwa gumeeysiga u adeega.
Dhacdooyinka kale oo yaabka leh oo guudahaan Dalka Ogaadeenya laga wada ogyahay waxaa kamid ah in qofka gumeeysiga u xidhan uusan laheeyn wakhti uu xadhigiisa ku eg yahay kumananka Ogadenia ku xidhan majiro hal qof ah oo aay maxkamad xukuntay majirto, qof xiliga uu soobaxayo la ogyahayna majiro.
 
Isku soo duud jeelasha gumeeysiga ma aylahaan wakhti go’an oo maxkamad aay xukuntay oo uu qofku ku soo baxayo dhinaca kale waxaa kamid ah dhaqanka foosha xun oo uu sameeyay gumeeysigu waxa loo yaqaano Far-fiiq oo qof aan waxba galabsanin dusha laga basaaso kadibna uu sidaa ku wajaho mudo dheer oo xabsi ah.
Qorahay Media

7,475 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,290 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,447 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,530 total views, 0 views today

Share