Kacdoonka gumaysiga Ethiopia lagu ridayo oo xadhkaha goostay & ciidamada oo 6 bilood mushaar la’aan ah

Wednesday, November 29, 2017       Views
Spread the love

Warar Qorahay Media goor dhawayd soo gaadhay ayaa sheegaya kacdoon culus oo saf balaadhan ah oo saaka ka bilowday Addis Ababa ilaa xuduudka u dhexeeya gobolka Canfarta ee gumaysiga hoostaga & Jabuuti, mudaharaadkan oo aad u xoogan ayaa saaka bilowday waxaana la arkayay shacabka oo ereyanaya baabuur ay dad dawlaad u shaqeeyaa saaranyihiin dadwayhaa isu soo baxay waxay xoog ku xidheen wadooyinka halbawalaha ah ee magaalada Addis Ababa & gobolada kale isku xidha waxaana istaagay ganacsiga & guud ahaan dhaqdhaqaaqa dawlad ku sheegta sii dhacaysa.

saac1saac

Sida ay awrarku sheegayaan waxaa kacdoonka baasiin ku sii huriyay dad shacab ah oo ay askarta Tigreegu laayeen cadho ka dhalatay waxaana haatan agcan ku gabad ah ciiadmada & shacabak qowmiyada Tigree ka soo jeeda, gaadiidka dawlaad loo aqoonsado bidhaantiisa meesah lagu arko nolosah ayaa lagu diiranayaa waxaana socad wax aan mudaharaad lagu magacaabi karin oo wayrax xadhko goostay u muuqda.

saac2

Dhinaca kale maalmihii u dambeeyay waxaa hoos u sii dahacyay qiimaha lacagta Birta ah waxaana 1 dollar waxaa lagu badalayaa 30 birr waxaana cirka isku sii shareeray meceeshada oo bilihii ugu dambeeyay cidhiidhi ku jirtay meelo koobana ku soo ururtay, dad xog ogaal ah ayaa QM u sheegay in ciidamada gumaysiga aan mudo 6 bilood ah mushaar la siinin taasina ay sii kordhisay kala baxsadka & dagaalka ciidanka gumaysiga ka dhex taagan, waxaa maqaaxiyaha lagaga qadeeyaa qiimo ay 50 bir ugu hoosayso.

Dad badan oo shacabka Ethiopia kamid ah ayaa macaluul u dhintay balse waa la dadayaa ayuu yidhi ruux xog ogaal ah oo xaalada la socad  wuxuuna intaas raaciyay in xaalada Ethiopia ruuxa aan dhex joogin uusan rumaysan karin, dadka habeen & maalin waa la xidhxidhaa hoos ayaa loo dilayaa waxaana socda is uus xabaal aan loo kala aabo yeealynin oo baahsan shacabka kacdoonka wada ayaa iyaguna go’aansaday in aysan xasuuq kasta oo lagula kaco u dabcin xaalkuna marba marka ka admbaysa ayuu sii xumaanayaa.

Isku soo wada duuboo kooxda TPLF ayuu saaka waagu walaac hor leh ugu baryay waxaana soo baxaya in ay si xoogan u sii akla fogaanayaan dhexdoodana uu khilaafku caqabad kale ku noqday, shirarkii Maqale ka socday ayaan ilaa haatan la isku afgaranin si wayna loogu sii kala fogaanayaa waxaana qowmiyada Tigree hor yaala labo daran mid dooro.

 Qorahay Media

1,134 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]