Kacdoonka gumaysiga Ethiopia lagu xidid siibayo oo sii xoogaystay & TPLF oo si rasmi ah u kala jabay

Tuesday, November 28, 2017       Views
Spread the love

Wararka Qorahay Media soo gaadhaya ayaa sheegaya kacdoonka ay shucuubta guamysiag Ethiopai lku hoos dulmanaa wadaan oo cirka isku sii shareeraya waxaana si xawli ah ku socda mudaharaado aan kala joogsi lahayn oo kooxda dadqalatowday ee TPLf walaac xoogan ku kordhiyay, wawarku awxay sheegayaan in dhul balaadhan oo Oromia kamid ah uu gacanta TPLF ka baxay islamarkaasna nidaamka dawladu uusan ka shaqaynin meelo kale oo wali ay ciidamada gumaysigu joogaan.

kaca

Xaalka oo marba marka ka dambaysa sii xumaanaya ayaa abuuray kala shaki guud oo dawlada guamysiga laamaheeda kala duwan ka aloosan waxaana aad u kala fogaaday siyaasiyiin awal hore aad isugu dhawaa, isdhexyaaca xoogan ee xukumada gumaysiga ka dhex jira ayaa sii kordhiyay khilaaf modooyinkii dambe kooxda TPLF argaaadiyay warar xog ogaal ah oo QM soo gaadhayna waxay sheeagyaan in TPLF ay laba qaybood u kala jabtay.

Labada garab ee TPLF ay u kala jabtay midkood waxaay ku doodayaan Ethiopianimo way dhamaatay wax gacan inoogu jiraana ma jiro sidaas darteed gobolka Tigray aan goosano umadahan kalana aan faraha ka qaadno, kooxda kale ayaa ku adkaysanaysa in aysan wali isdhiibaynin waxaana naloo sheegay in xil kaqaadis lagu sameeyay gudoomiyihii TPLF Abay Waldu & xaaskii Meles Zenawi  Azeb Mesfin oo ah maskaxda xisbiga burburaya ee TPLF buuq hor leh ayayna xilka qaadistaasi abuurtay.

Isku soo wada duuboo gumaysiga xaalkiisu waa gabaabsi waxaana soo baxaya warar isa soo taraya oo muujinaya rajo la’aanta ka muuqata kooxda TPLF waxaana socda shirar ay Tigreegu Maqale ku leeyihiin oo guud ahaan bulshada qowmiyadaasi ay si weyn uga baaran dagayaan xaalka taagan, dhinaca kale waxaa sii kordhaya kala fogaanshaha shacabka & xukuumada dhiig miiradka ah ee TPLF gadhwadeenka u tahay.

Xaalada murugsan ee gumaysiga & wixii soo kordha wararka dambe kala soco

Qorahay Media

 

 

910 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]