Kalmadaha xanafta leh ee ay Somalidu dhulka Ogaadeenya ugu yeedhaan waa kuwk ayaga dib ugu soo noqonaya

Warar

Soomaalida Ogaadeenya waxay is hayanaa gumaysi madow oo cadow ah xabsiyadana ka buuxiyay dad masaakiin ah oo birmagaydo ah kuwaas oo isugu jira caruur & waalidiin, wuxuu gumaysigu samaystay shaqsiyaad ku shaqeeya awaamirtiisa kuwaas oo aan diin & dhaqan midna xeerinaynin.

Gumaysigu wuxuu aad u buun buuniya magaca loo yaqaano DEEGAAN bal adigu hadaad Af Somali taqaano DEEGAAN wuxuu yahay ma taqanaa DEEGAAN waa qayb kamid ah dhulka tusaale reerkii halkee ayay degan yihiin Deegaankaas waa meel kamid ah dhulka, macnaha magacan ku hoos jira ee uu gumaysiga & daba dhilikiisu inoo dadayaan waa qayb kamid ah Ethiopia taasina dadka dhulka iska leh geeri ayay ka xigaan waana sababta ay u dhimanayaan maalin & habeenba.

Dadka Somaliyeed oo aan maanta ku tilmaami karno in ay noqdeen dad aan la soconin waaqaca jira ayaa si weyn waxay u buun buuniyaan hadalada ka soo baxaya gumaysiga ayaga oo waliba wax ku sii dar-dara hadalka gumaysiga oo ay ladhacsanyihiin dartii, qorshaha gumaysiga meesha fog ku socda ee uu ku doonayo in uu ku mulkiyo dhamaan gayiga Soomaaliyeed.

Somalida maanta joogta waxay u bateen Somali iloowday wixii inaga dhexeeyay inaga & gumaysiga Somalida qaarkoodna waxay gadheen in ay dhahaan walaalahanaga Ethiopia taas oo dhaawacaysa dareenka waddaniga xoreynaya ciidda Somaliyeed.

Hadaad walaal ka dhigatay Ethiopia iyagu waxay kuu yaqanan in aad tahay cadowga Ethiopia adiga unbaa sheeganaya wuxuusan kuu aqoonin waliba wuu kugu qoslayaa Somali & Ethiopia walaalo ah.

Shacabka Somaliyeed ee uu ka sii dhamaanayo waddanigii waxaan leenahay ilmihiina ha uga tagina idinka oo leh Ethiopia waa walaaladeen dhulnagama haysto dhulka Somalidu degto ee Ethiopia, Somalida Ethiopia, waa walaalahano, Ethiopian ha ku nolaada guud ahaanba dhulka Somalida xataa taga xeebaha Somaliya balse midka xoreynaya dhulka Ogaadeenya garbo duub u xidh kuna raali gali gumaysiga.

Soomaaliyeey waxaad ogataan gobanimo doonka in aysan u muuqanin dhibka walaalkii uga imanaya oo mid kawayn ayaa haysata midaas ayaana u muuqata oo ah in uu meel saaro gumaysiga.

Qorahay Media

22,144 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,449 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,936 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,556 total views, 0 views today

Share