Khadar & Dhoombe oo Sweden ku dhuumanaya dabagala lagu wado.

Thursday, November 9, 2017       Views
Spread the love

Wararka Qorahay Media ka soo gaadhay dalka Sweden ayaa sheegaya in ay si dhumaal ah dalka ku soo galeen Cabdi Khaliif Buraale (Dhoombe) & Khadar Cabdi Ismaciil.

Labadan nin oo ah shaqsiyaad dambiyo aad u badan ka gaystay gudaha Ogaadeenya oo dad badan ku laayay dad badana xabsiyada ugu jiraan halka kuwa badana ka soo qexeen oo si qoxooti nimo ah ku jogaan dalalka dibada ah gaar ahaan halka ay maanta ku sugan yihiin ee Sweden.

khadar5 khadar1

Lama sheegin ujeedada ka dambaysa imaatinkooda waxaase lasheegayaa in ay aad u cabsanayaan oo ay ku jiraan dhuumaalaysi iyo in ay iska qarinayaan qofkasta aamini wayeena Hoteelada oo ay habeenba guri seexanayaan.

Markii ugu horeeysay waxay ku soo dageen dalka Denmark balse markii ay ogaadeen in laga war helay oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ogaatay ayay dalka Sweden u talaabeen oo la sheegaya in ay hadda jogaan.

Waxaa kamid ah shaqsiyaad la socda ee kolba guri gaynaya Ali Bashiir Abdi Ali (Ali Dhaanto) oo horaan ka soo cararay dalka si qoxooti nimo ku jooga dalka Sweden isaga oo dawladda Sweden u sheegay in uusan halkaas ku laaban karin wuxuuna sheegtay in uu aaminsanaa mabaadiida ONLF taasina u sahashay in sharciga la siiyo, waxaana la sheegay in uu Ali Dhaanto gudbin jiray dadka Ogaadeenya ee ee ku dhaqan dalka Sweden si dadkooda dalkii jooga loo ciqaabo.

khadar6

Labadan nin Dhoombe & Khadar ayaa si weyn loogu xasuustaa ku is istaagi maydkii Sheikh Deeq Allaah ha u naxariistee ayaga oo wax naxariis ah aan u haynin shacabka Ogaadeenya waxayna maanta jogaan Sweden oo dadka dambiyadaas galay waajib ku tahay in ay cadaaladda horkenaan. Waxaana dalka Sweden ku nool Jaaliyad balaadhan oo marar badan dambiyadooda gudbisay.

Waxaan idiin soo gudbin donaa meelaha ay jogaan anaga oo idiin soo gudbin doona xogaha ugu dambeeya insha allaah.

Qorahay Media
Sweden

2,205 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]