Kooxo Hawaarin ah oo xadka Ogaadeenya & Waqooyiga Somaliya u dhexeeya ku dagaalamay

Warar

Warar Qorahay Media soo gaadhay ayaa sheegaya dagal xoogan oo dhex maray labo kooxood oo malayshiyada Hawaarinta ee askarta gumaysiga lagu dhaaraamo ka wada tirsanaa wuxuuna dagaalku bilowday kadib markii ay koox Hawaarin ah goosteen, sida aanu warka ku helay dagaalku wuxuu ka dhacay duleedka meesha layidhaado Baligubadle oo ku taala xadka Ogaadeenya & waqooyiga Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay Hawaarinta koox ka tirsan goosteen kadibna ay is heleen koox kale oo meesha uu dagaalku ka dhacay ku sugnayd.

hawaarin12

Waxaa la xaqiijiyay in ay dagaalkaas oo xalay fiidnimadii dhacay ku dhinteen 7 askari oo labada kooxood ee dagaalamay ah qaar kalena way ku dhawacmeen mana aha markii koobaad ee ay sidanoo kale Hawaarin baxsad ah & kooxihii ay ka tirsanaayeen u dagaalamaan khasaarena soo kala gaadho, mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay baxsadka & dagaalka kooxda Hawaarinta waxayna arrimahaasi salka ku hayaan xaalada qasan ee gumaysiga Ethiopia & khilaafka ciidamadiisa ka dhex jira oo marba marka ka dambaysa sii kordhaya.

Si kastaba ha ahaatee Hawaarintu waa dhalinyaro siyaalo kala duwan loo ciidameeyay wax qorshe ah oo aan ahayn in ay dadkooda waxyeelleeyaana looma dajinin ujeedadii loo aasaasayna waxay ahayd in askarta gumaysiga xabadda looga dhigo laguna dhaaramo, Hawaarinta waxaa kale oo loogu talo galay in ay shacabkooda dhibaateeyaan shacbkuna ay xanuunka xamili waayaan kadibna gumaysiga keenadiisa ay si rasmia h u ogolaadaan.

Qorahay Media

2,195 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

4,794 total views, 0 views today

Share
Warar
Duljoogso: Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay?

Qoramadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cinwaanka sare oo ah Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay? waxaanan u araganay inaynu wax ka taataabano, ugu horayn ereyga halgan marka aad maqasho waxaa judhaba maankaaga ku soo dhacaysa shaqo adag oo loo galayo hab mutadawacnimo ah isxilqaana lagu fuliyo …

7,429 total views, 0 views today

Share
Warar
Magaalada Harta-Sheekha oo biyo qarqiyeen halisna ku jirta

Wararka laga helayo gudaha Ogaadeenya gaara haan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay roobabkii labada todobaad da’ayay dhibaatooyin gaysteen islamarkaasna ay biyo buuralayda ka soo dhaadahay magaalooyinka waxyeello u gaysteen, magaalada Harta-Sheeka ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dayrinayo ee ay daadadkaasi waxyeelleeyeen waxaana la sheeagyaa in ay guryo …

10,972 total views, 0 views today

Share