Ku celus: Hadalkaas Zenawi ayaa horay noogu yidhiye mid cusub nagu dheh

Warar

Odhaahdan sare waxay kamid tahay odhaaho xidhiidh dhaw la leh dhacdooyinka sida silsilada isa sudhan iskuna soo noqnoqda ee halbeega u ah doodaha u dhexeeya halgamaaga xoriyada Ogaadeenya niyada birta ah ku doonaya iyo hadba cida doonaysa in ay niyad jabiso.

Waxaa odhaadan ku sharfan inaan ku xusana ay waajib tahay hooyo kamid ah haldoorka shacabka Ogaadeenya balse aanan fasax ka haysanin in aan magaceeda soo qaato waxaanan sheekadan dhexdeeda ugu yeedhaynaa Xikmo, odhaahdan oo sida laga garanayo ay Xikmo ku jawaabtay waxay ka dhalatay sheeko dhex martay hooyadaas geesiyada ah iyo oday Soomaali ah oo bulshada magac ku dhex lahaa.

Sanadku waa 2000 goobtu waa dalka Ogaadeenya dibadiisa hooyo Xikmo iyo odayga Soomaaliyeed ayaa is waraystay waxaana la isla soo qaaday xaalada Ogaadeenya iyo halganka gobanimo doonka ah ee ururka ONLF hurmuudka u yahay.

Kolkii in mudo ah la hadlayay ayuu odaygii hooyo Xikmo ku yidhi hadii ururka ONLF laga qabto hebel, hebel hebel iyo hebel, halganku guulo dhaw ayuu gadahi lahaa, hooyo Xikmo iyadoon is lurin isna xanaajinin ayay si dhib yar oo kalsooni ah u tidhi hadalkaas Males Zenawi ayaa horay noogu yidhiye yidhiye adigu mid cusub na dheh.

Hooyo Xikmo oo hadalkeeda sii wadatay ayaa intaas raacisay Zenawi ujeedadiisu waxay tahay ragga damacayga hor tagan waa ragaas haday iga hor wareegaana waxaan sii wadan lahaa hamigayga fog inaan gaadho meesha aan higsanayo oo ah Ogaadeenya oon xalalashado Soomaali inteeda kalana aan qabsado.

Akhristoow cinwaankan waxaan u soo qaatay shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee gobanimo doonka ah iyaagaa halagnka go’aansaday waxkasta oo ku soo gaadhayna dhabar adayg ayay u yeesheen maantaan waxay soo gaadheen meel aan halganka cabsi loo qabin.

Qofkasta oo xoriyada Ogaadeenya baadi goobkeeda ku jira ama niyada ka jecel halganka socdana waa u xog ogaal meesha loo socdana wuu fahansanyahay, xiligan dadka Ogaadeenya laguma khaldi karo hebel, hebel, hebel iyo hebel waxaanan leenahay Hadalkaas Zenawi ayaa horay noogu yidhiye mid cusub nagu dheh.

W/Q Roda Ibrahim C. Gurey (Afjano)

15,002 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,448 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,935 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,555 total views, 0 views today

Share