Kulan muhiim oo ay isugu yimadeen xubnaha G/Dhexe & Isku duwa kuxigeenka Jaaliyadda Ogadenya ee Pacifica

Warar

Waxaa kulan dhanka khadka Isgaadhsiinta ah isugu yimid xubnaha G/dhexe ee ONLF & iskuduwe kuxigeenka Pacifica kulankaas oo ahaa mid muhiim ah waxaa shir gudoominayay G/kuxigeenka ONLF Dr. Mohamed Ismaciil Omar.

ismaciil

Waxaa shirka lagu furay Ayado Qur’aanka kadibna waxaa laguda galay ajandaha shirka kaas oo ugu muhiimsanaa kala warqaadayo kadibna waxaa laguda galay qiiman Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica.

Waxaa si weyn looga dooday loona qiimeeyay Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ku dhaqan Pacifica waxayna xubnaha G/Dhexe warbixin ka siiyay Iskuduwo kuxigeenka Jaaliyaadka Ogaadeenya Pacifica Halgame Kaldeeq Muuse Ibrahim oo uu warbixin ka siiyay wax qabadka Jaaliyaadka & hawladaha u qorshaysan oo aad u balaadhan.

kaldeeq

Qiimayn kadib waxaa la guda galay sidii loo dajin lahaa qorshaha cusub ee ay Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Pacifica ku hawl-gali lahaayen si weyn ayaana loo lafaguray waxaana laysla qaatay qorsheyaal cusub oo lagu dar-dar galinayo Jaaliyaadka Ogaadeenya ee ku dhaqan Pacifica.

ogadenc5
Shiweynihii 8aad Jaaliyaadka Ogaadeenya Pacifica 2014 Perth

Masuuliyiinta G/Dhexe ayaa si weyn u amaanay dadaalka ay wado Jaaliyadu & sida ay markasta ugu taagan taagan tahay kawar haynta dalkodii hooyo, & in ay markasta gaadhsiyaan dawladda ay lanoolyihiin dhibaatadda & tacadiyadda joogtadda ah ee ay Itoobiya ku hayso dadkooda oo aan haysanin wax xuquuq ah, waxayna Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Australia tahay jaaliyad ka soo dhalaashay waajibaadkii loo idmaday sidoo kalena tahay hormuudka Jaaliyaadka Ogaadeenya ee caalamka waxaana Jaaliyadda si gaar ah loogu xasuustaa fashilinta qorsha yaasha gumaysiga ee ku aadan safarada uu gumaysigu ku yimaado dalka Australia oo aysan mahadinin bidhii June ee sanadkii 2016 socdalkii uu ku yimid koox gumaysiga Itoobiya ka socota oo uu Abdi Ilay kamid ahaa ayaa waxaa ka qabsaday fadeexo kadib markii ay meel kasta ka fudhiyeen Jaaliyaadka Ogaadeenya oo uga dhaartay in uu shir ku qabto dalka Australia taas oo markii dambe soo fara galisay Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka.

Isku soo wada duboo dadaalka ka socda dalka Australia ee ay wado Jaaliyadda Ogaadeenya ayaa ah mid balaadhan waxaana sii xoogaysanaya ababulka & dadaalka ay wado Jaaliyadu.

Qorahay Media
Sydney Australia

2,491 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,477 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,964 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,584 total views, 0 views today

Share