Labada Kuuriya Oo Qaaday Tallaabo Aan Laga Filaneyn Waqti Xaadirkan

Warar

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in wada-hadallo dhanka telefanka ah dib ula bilaabi doonto Kuuriyada Koofureed, si loogu gogol-xaadho wada-hadalo toos ah oo ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay ka qayb gasho cayaaraha xilliga qaboobaha ee Olympics-ka. Oo Ka Dhici Doona Magaalada Sool Ee Caasimada K/Koonfureed

north-south-korea-map-rappler-218x150

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Madaxweyne Kim Jong-un uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-xaajood la galo xukuumadda Seoul uuna koox u diro cayaaraha.Halkaas Ka Dhacayo

Labada dal ayaanan wada-hadallo heer sare ah yeelan tan iyo bishii December 2015, iyadoo sanadkii xigay, Kuuriyada Waqooyi ay jartay xiriirka, ayna diidday inay ka jawaabto wicitaannada, sida ay sheegeen saraakiil ku sugan Kuuriyada Koofureed.

Sarkaal ka soo jeeda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in wada-hadallada dhanka qadka ay telefishinka laga daawan doono.

Xiriirka labada dhinac ayaa dib u bilaabmi doona maanta saacadda waqtiga dalalkaasi marka ay tahay 15:30 (06:30 GMT), sida ay shaacisay wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonha

Si Kastaba Ha Ahaatee Waa Tallaabo Beesha Caalamku Ay Soo Dhaweysay WXaanse La Saadaalin Karin Midhaha Ka Soo Bixi Doonaa Tallaabadan Aan Hore Loo Fileynin

Wadani Ali Qorahay Media

598 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,528 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,985 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,388 total views, 0 views today

Share