Lacago baad ah oo shacabka magaalada Jigjiga la dul dhigay & dad badan oo xabsi loo taxaabay

Friday, December 1, 2017       Views
Spread the love

Warar Qorahay Meida magaalad Jigjiga ee xarunta gobolka faafan uga yimid ayaa sheegaya dad badan oo la xidhxidhay kadib markii lacago aysan awoodin oo baad ah la dul dhigay in ay bixiyaana lagu cadaadiyay, saaka waxay Jigjiga ku waa bariisatay askar xaafadaha dhex xulaysa oo albaabada soo jiidhaya dadkana ku amraya in ay bixiyaan lacag baad ah, guri kasta oo dhisan waxaa lagu amray 200 oo dollar boosaska banaana 100 dollar.

jigj

Shacabka oo intooda badan ayba noloshu ku adagtahay qutuulyoomkana la halgama yay ku adkaatay in ay lacagahaas bixiyaan marka ay sidaasi dhacdana dadka xabsi ayaa loo taxaabayaa guryo badana quful ayaa la saaray,  dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay xaafado Jigjiga ka mid ah ayaa laga qaxay dadkii daganaana ay si dhuumaal ah uga baxsadeen kadib markii ay xamili waayeen dhibaatooyinka ay ku hayaan askarta gumaysiga & kuwa dharaanka u ah  (Hawaarin)

Qorahay Media

710 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]