Maamulka Hargeysa oo dhalinyaro Ogaadeenya u dhalatay gumaysiga u gacan galiyay

Warar

Wararka laga helayo magaalada Gabiley ayaa sheegaya 4 wiil oo Ogaadeenya ka soo jeeda in gumaysiga Ethiopia loo gacan galiyay.

Maamulka Hargeysa oo ku caan baxay ka hiilinta shcabaka Ogaadeenya ee dulman  ayaa mudo dheer ku hawlanaa qabqabashada dad shacab ah oo si ehelnimo ah gobolada maamulkaasi ka arrimiyo.

Sida ay wararku sheegayaan magaalada Gabilay ayaa laga qabtay dhalinyaro si nabad galyo ah u joogay oo aan cidna dambi ka galin qaarkoodana ay ka shaqaysanayeen, waxaa la xqiijinayaa in wiilashaas ay maamlkaasi mudo gacanta ku hayeen ugu dambaystiina ay gumaysiga u gacan galiyeen.

Isku soo wada duuboo falkan axmaqnimada ah ee maamulka Somaliland ay dhaqanka ka dhigteen ma aha mid shacabka dulman niyad jabinaya waana sababta dhabta ah ee halganka hubayaan uu daaranyahay.

Qorahay Media

11,888 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,297 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,454 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,537 total views, 0 views today

Share