Magaalada Qabridahare oo saaka guryo la duminayo ku waa bariisatay

Friday, December 1, 2017       Views
Spread the love

Wararka laga helayo magaalada Qabridahare ee xarunta gobolka Qorahay ayaa sheegaya in saaka magaaladu ku waa bariisatay guryo la duminayo oo cagac cagafyo ay ku soo kalaheen guriga ugu horeeyay waxaa saaka laag dumiyay hooyo waayeel ah oo magaceeda naloogu sheegay Cibaado Yuusuf-Qani Biixi, hooyo Cibaado gumaysiga & adeegeyaashiisan horay ayay waxyeelloyin badani uga soo gaadheen.

horum1horum

Hadaba sida uu warku nagu soo gaadhay guriga hooyo Cibaado waxaa gabigiisiiba laga dhiga daqiiqamaha iyadoon waxay ku galabsatay la garanaynin waana dhibkii shacabka haystay oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya, kooxda gumaysiga u dulawday ayaad moodaa maalmahan in ay jahawo wareerkii la waasheen oo ay ku keceen dadka ugu nugul bulshada.

Isku soo wada duuboo shacabka Soomaalida Ogaadeenya dil, xidhay, boob, baro kicin faro xumayn dumarka loo gaysto & cago juglayn intaba way ka dhargeen mana jirto wax ay gumaysiga & adeegeyaashiisu xumaanta ay samaynayaan ka heleen oon ahayn in ay dad dhibaateeayan, kol hadii hadafka gumaysigu uusan hirgalaynin falalkan foosha xun cimrigiisuna wuu uun ku dhamaan.

Qorahay Media

594 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]