Mala socotaa sumcaddii ay Soomalidu dunida ku lahayd awgeed in uu Ingiriisku markabkiisii ugu qaalisanaa ugu magac daray

Warar

Soomalidu waxay ahaayeen dad ku sifaysan hanweyn, geesinimo, run sheegis, marti soor, waxay ahaayeen kuwo cadow & sokeeye kala yaqaan oo aanay sinaba iskaga qaldamiin, gumeystayaashii reer galbeedka ee dabayaqaadi qarnigii 19aad geygaSoomalidayimid & sahanadoodii ka horeeyayba waxay aad ula yaabeen sifaadka Soomalida waxaana xiiso galiyay dhaqankii Soomalida ee xiligaas, waxaa si gaar ah loola yaabay geesinimada & qab weynida Somalida.

Richard Burton, Hunter, William Smith, Sir Archier ragan & rag kale oo isugu jiray madaxda gumeysiga & sahamiyayaashii kasoo horeyay gumeysiguba si dadban & toos ahba qaarkod way u qireen geesinimada & qabka Soomalida, dowladda Ingiirsku waa mid kuwa daraasada ugu baddan Soomalida ku sameysay waxayna aad u qirsantahay qiimaha Soomalida oo kuwooda wax daraasayay layaab ku ah arrimaha aynu ka hadalaynana waxaynu u soo qaadanaynaa cadayn kooban oo ah Markabkii dawlada Ingiriiska sumcada weyn ku dhex lahaa ee ay ku gashay dagaalkii 2aad ee dunida.

Dagaalkii labaad ee aduunka ka dhacay wuxuu ka mid yahay in ka badan 14528 dagaal oo aadamaha dhex maray 3 dii qarni ee u dambayay waase ka saameyn balaadhnaa oo aduun weynaha dhamaantii si dadban & si toos ahba wuu u sameyay, dawladda Ingiriisku waxay 24/8/1937 bilowday dhismaha Markabka HMS SOMALI ay ula baxday waxayna dhamaystirtay 7/11/1938 Markabka ay dawladda Ingiriisku Somali ula baxday wuxuu ka mid ahaa kuwa dagaalka ee wax burburiya wuxuuna tagay baddaha dalal badan oo dunida ah isaga oo ka galay dagaalkii 2aad ee aduunka.

Ingiriisku Markabkisan wuxuu magaca Somali ugu bixiyay sababo dhowr ah oo ay Somalidu ku sifaysantahay isaguna uu ugu talo galay markabkan & guud ahaan ciidankisu inay fuliyaan kuna fisoobaan, Ingiriisku wuxuu doonayay inuu Germany kaga aarsado waxyaalihii dagaalka 1aad Brtain soo gaadhay sifada aar gudashadana Ingiriisku Somalida wuu u aqoonsanyahay waxaa kale oo xusid gaar ah mudan in dawladda Ingiriisku gumeysanaysay xilliga dhulka Soomalida qaybo kamid ah sida gobolka NFD loo bixiyay, Waqooyig Soomalida & Ogaadeenya qaybo badan oo ka mid ah.

Run ahaantii wax fidid ma aha in uu gumayste bulsho uu qabsaday hadana u arako inay mudanyahiin magacooda in loo bixiyo wax gumaystaha qiimaha ugu sareeya ugu fadhiya waase mid ay Soomaalidu mutaysteen oo uu ku arkay kii gumaysanayay islamarkaasna uu aad ula dhacay qarina kari waayay, haddaba waxaan leenay Soomalida kuwii gumaysanayay kii ugu weynaa xilligaas wuxuu ahaa Ingiriiska wuxuuna lahaa xadaarada & falsafad fog oo qodo dheer wuxuu lahaa oo kale hab durugsan oo uu wax u qiimeetyo  wuxuuna qiray in ay Soomaalidu dad qiimo sareeya yihiin oo aan la dhayalsan karin.

Isku soo wada duuboo qiimihii Soomaalidu ay lahayd waxaa xilligan ku gadaaman boodh wayse soo noqon doonaan waxyaalihii Soomaalida lagu majeertay sidaas daraadeed waxaan leenahay maalmaha is guraya & nolosha gadgadoonkeeda waa laga gudbi Soomaalina waa mida uu Ingiriis oo cadaawad u hayay dhiigiisana ay Soomaalidu daadisay Markabkii uu hantidiisa ugu jeclaa ugu magac daray ee yaan la dabcin dhaqankii ab & awoow ka soo gaadhka ahaana ha la ilaaliyo si gaaar ahna sifooyinkii hanka & isla waynida oo la mus jileecsaday  wakhtiga ayaa soo celin doona insha Allaah walina waxaa jira dad Soomaali ah oo hankii & qabkii la soo taagan

Qorahay Media

9,583 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,428 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,915 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,535 total views, 0 views today

Share