Malayshiyada Hawaarinta oo duleedka Shaygoosh dad shacab ah waxyeellooyin culus u gaystay

Warar

Warar Qorahay Media gudaha Ogaadeenya ka soo gaadhaya ayaa sheegay fal aad u fool xun oo ay malayshiayda Hawaarintu ka gaysteen duleedka Tuulada Galadiid oo degmaad Shaygoosh ee gobolka Qorahay hoos timaada, sida aanu wararka ku leyano Hawaarintu waxay dhibaatooyin xoogan u gaysteen dad shacab ah oo daganaa meel ay beero ku lahaayeen oo ay waligood daganaayeen laguna amray inay qasab kaga guuraan.

hooyociilan

Hawaarinta oo dhibaataynta shacabkooda loo carbiyay waxay tuulada ka gaysteen jidhdil arxan daro ah, baro kicin, boob hantiyeed oon loo aabo yeelin waxayna si aan naxaariis lahayn u jidh dileen dad tiradooda naloogu sheegay 23 ruux oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka kooban, dadka ay Hawaarintu sida arxan darada ah u waxyeelleeyeen waxaa ugu liita gabadh aanaan magaceeda hore helin balse naloogu sheegay Ina Muxumed Aar & nin wayn oo odayaasha tuuladaas kamid ah laguna maacaabo Seeraar Cabdi Xassan

Gabadha waxay si waxshinimo ah uga dileen wajiga waxayna labada indhood midood ka galiyeen Binadka Qoriga oo ay dhinaca dhegta uga bixiyeen aad ayayna u il xuntahay sidoo kale Seeraar ayaa isna jidhdilka loo gaystay dartii u liita, kooxda Hawaarinta ee bahaloobay waxay dab qabadsiiyeen 18 guri 7 kamid ah ay aqal soomaali ahaayeen waxaana ku basbeelay hanti kala duwan.

Isku soo wada duuboo kooxda Hawaarin waxay u taaganyihiin cidhib goynta shacabka Soomaalida Ogaadeenya waxayna u badanyihiin wiilal yaryar oo si xun loo laylyay xushamdii & dhaqankii islaamkana laga xayuubiyay in ay dhibaato gaystaana ay shaqada koobaad u tahay, kooxdan oo iyaga laftoodu dulamanayaal ah ayaa marba marka ka dambaysa sii dhaqan xumaanaya dadkoodana si arxan daro ah u waxyeelaynaya waxaana lagu tabo baray habka bulshada loo argagax galiyo loona boobo.

Qoarahy Media

1,110 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

4,849 total views, 0 views today

Share
Warar
Duljoogso: Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay?

Qoramadeena Duljoogso ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cinwaanka sare oo ah Halgamaaga gobanimo doonka ah muxuu ku suntanyahay? waxaanan u araganay inaynu wax ka taataabano, ugu horayn ereyga halgan marka aad maqasho waxaa judhaba maankaaga ku soo dhacaysa shaqo adag oo loo galayo hab mutadawacnimo ah isxilqaana lagu fuliyo …

7,484 total views, 0 views today

Share
Warar
Magaalada Harta-Sheekha oo biyo qarqiyeen halisna ku jirta

Wararka laga helayo gudaha Ogaadeenya gaara haan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay roobabkii labada todobaad da’ayay dhibaatooyin gaysteen islamarkaasna ay biyo buuralayda ka soo dhaadahay magaalooyinka waxyeello u gaysteen, magaalada Harta-Sheeka ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga dayrinayo ee ay daadadkaasi waxyeelleeyeen waxaana la sheeagyaa in ay guryo …

11,027 total views, 0 views today

Share