Maqaal: Waa lagaa xog ogaalsanyahay by Roda Afjano

Thursday, November 30, 2017       Views
Spread the love

Inta badan marka aan maqaal qorayo waxaan jeclahay inaan xusho odhaah ku haboon oo xikmad xambaarsan maantana waxaan xushay cinwaanka sare oo aan ka soo qaatay seeko dhab ah oon aad u xiiseeyo waxayna sheekadu dhexmartay nin bakhayl ah iyo marti u timid, meeshu waa miyi qoyska la soo martiyay kaligood ayay guri daganaayeen xiliguna waa jiilaal oo hayntu ma badna amin casar gaaban ah odayga oo geed aqalka sintiisa ah kooro ku qoranaya waxaa isasa soo dul tubay rag socoto ah oo ninka hormuudka u ah uu si fiican u yaqaanay.

Markii la is nabdaadiyay ayuu odaygii calaacal bilaabay wuxuuna raggii socotada ahaa u sheegay in uu reerku xili xun ku jiro sidaas darteedna ay horaydaas oo reero kale uu ku tilmaamay u socdaan inta uusan gabalku ka dhicin balse inta aysan raggii martida ahaa wax jawaab ah celinin ayay odayga haweenaydiisii aqalka ka soo baxday waxayna martidii kala hadashay faraha iyadoon codkeeda la maqlaynin ayayna u ishaartay in ay geedahaas fadhiistaan oo aysan qatani reerka ka tagin, odaygii wali dhinaciisa calaacalkii ayuu wadaa isagoo af gobaadsanayana wuxuu gudbinayaa dayro uu martida isku dhaafinayo wuxuuna aad ugu dadaalayay inay ragani dhaafaan.

Hadaba nin martida kamid ah oo haweenayda ishaaradeeda la dhacay in uu reerku qoyanyahana u qaatay ayaa odaygii si lama filaan ah ugu yidhi adeer waa lagaa xog ogaalsanyahay saa odaygii haduu dhabarkiisa dhawray waxaa taagan afadiisii oo gacmaha ka hadlaysa martidana si fiican ugu sheegtay in aysan tagine ay sugaan waxayan odaygii ku noqotay yaxyax iyo qaadan waa, hadaynu sharaxaada cinwaanka intaas kaga gudbno ujeedadana aynu ku socono waxaa lala wada socdaa xaalada cakiran ee gumaysiga Ethiopia oo haatan maraysa heer kala guur ah oo waliba aysan kuwa xukunka hayaayi midaysnayn balse waxaa jira hadaaq & hantaatc gumaysigu uu lalinayo laguna dadayo burburka Ethiopia aan xal lagu baajin karo la haynin.

Ciidamada kala duwan ee Ethiopia ayaa dagaal ka dhexeeyaa milatariga & waaxda sirdoonku isma arki karaan hoos iyo badheedhna way isu laynayaan waxaa aad u soo badanaya khilaafka kooxda TPLF ee qawlaysatada ah oo talada Ethiopia ay ka go’do khilaafkooduna wuxuu gaadhay in xubnihii ugu firinfircoonaa oo gudoomiyahoodii uu ugu horeeyo xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay, dhianaca kale waxaa la loodin waayay halganka hubaysan ee mudada dheer Ogaadeenya ka socday oo si loo wiiqo uu gumaysigu tab iyo xeelad walba adeegsaday wax kasta oo dadaal uu ku bixiyayna wuxuu ku dambeeyay fashil iyo in uu halganka ONLF sii xoogaysto.

Qorsheyawga uu gumaysigu halagnka inuu ku wiiqo ugu atlo galayna waxaa ka mid ahaa arrimahan hoose 

1 Gumaysiga Ethiopia shacabka Soomaalida Ogaadeenya si adag ayuu u ciqaabay si uu halganka ay ONLF hormuudka u tahay uga xidhiidh furo
2 ONLF iyo shacabka Ogaadeenya waxaa dhibaatooyin xoogan oo nooc walba ah loogu gaystay guud ahaan dalalka Geeska iyo Bariag Afrika.
3 Gumaysigu wuxuu samaystay kooxda Hawaarinta (Liyuu Police) oo uu ujeedooyin kala duwan ka lahaa maantana shalayto ayuu ka taaganyahay
4 Gumaysigu wuxuu abaabulay islamarkaasna u gacan haadiyay dad badan oo daltabyo iyo arrimo kaleba ay qurbaha ku haysayteen wuxuuna ugu baaqay inay Ogaadeenya yimaadaan isgoo ku bixiyay dhaqaale, wakhti iyo maskax badan
5 Gumaysigu wuxuu adeegsaday inta badan saxaafada Soomaalida si uu halganka Ogaadeenya lagu xoraynayo dacaayad ugu furo been iyo horu mar aan jirina Ogaadeenya looga wariyo 

Qodobadaas iyo kuwo kale oo badan gumaysiga qorsheyawgiisa kala duwan oo dhamaantood halganka Ogaadeenya in lagu wiiqo loogu talo galay guul darooyin ayuu gumaysigu ka dhaxlay macnuhuse ma aha halganka waxba ma uusan yeelin,  balse halgamaagu waxyeelo ayuu marka horeba ku talo galay macnaha halganna waa dhib loo maro gobanimo, arrimahaas kore ee gumaysigu uu qorshaytay waxaa barabr socday dadaalo iyo qorsheyaw uu ururka ONLF waday oo gumaysiga ka dhan ah wuxuuna ururka ONLF ku guulaystay arrimahan hoose. 

1 Ururka ONLF wuxuu bilowgiiba hantiyay quluubta shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo si buuxda u taageeray
2 ONLF waxay u dhabar daygeen dhanqaryo iyo hagardaamo kasta oo gumaysiga kaga imaanaysa iyo duruufaha kala duwan ee ku xeeran
3 ONLF waxay si mug leh uga baaraan dageen talaabooyinka gumaysiga qorsheyawgiisa lagu fashin karo
4 ONLF waxay ku guulaysteen in ay iskaashi la yeeshaan dhaqdhaqaaqayada shucuubta gumaysiga ku hoos jira
5 ONLF waxay ku guulaysteen in ay kiciyaan si kama damabys ahan u baraarujiyaan shucuubta maanta kacdoonka wada oo xaqiiqo ahaan halganka ONLF iyo adkaysiga shacbka Soomaalida Ogaadeenya ay dhiirigalin u noqdeen
6 ONLF waxay muujiyeen Soomaalinimo dhab ah oo cagsi ku ah falalka jariimada ah ee maamulada Soomaalidu ay ONLF iyo shacbka Ogaadeenya kula kacaan

Qodobadaas iyo qaar kale oo badan waa guulaha biyo kama dhibcaanka ah ee ONLF tiirka adag een la dhaqaajin karin ka dhigay intaas waxaa dheer dagaalada foolka foolka ah ee dhex mara Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (CWXO) iyo askarta gumaysiga waxaa marwalba guusha leh CWXO oo hadii la dilana guulaysta haday wax dilaana guulaysta, arrimahaasi waxay hoosta ka xariiqeen in ONLF ay gumaysiga Ethiopia ka adkaatay xilligana aan la iskuba soo gaadheen hadii uusan gumaysigu taageerooyinka uu haysto ku tiirsanayn.

Hadaba gumaysiga Ethiopia oo xaaladaha muuqda ee burburka ku sababaya iyo kuwo qarsoon oo ka khatar badan la daalaa dhacaya dhinaca kalena ciidamo Ethiopian ah ayaa Soomaaliya si hor leh loogu daad gureeyay, heshiisyo cusub ayaa la sheegayaa in uu gumaysigu la galay shirkadaha shidaalka qoda ee maquusteyaasha ah, waxaa maalmahan saxaafadda aad loo dhex waday shidaalka Ogaadeenya ayaa la soo saarayaa oo Jabuuti iyo Waqooyiga Soomalaiya laga dhoofinayaa ONLF iyo gumaysiga ayuu wada hadal u socdaa waynu maqlaynaa, hebello ayaa wada qorshe ay ONLF iyo Ethiopia isku hor dhafiisinayaan way soo yeedhay.

Dhamaan waxani waa walaahaw waxayan muujinayaan jaho wareerka gumaysiga iyo dhamaadka xilligiisa sida dhalanka ahna gumaysiga Ethiopia waxa qalbigiisa ku jira ee damaca ah iyo xaqiiqada dhabta ah marna isma waafaqsana waxa socdaana waxay u badan yihiin iska hadaaqa gumaysiga, hadaba dadka arrimaha aan xusay ku wareersan wax loo sheeg kuwa beenta wali faafinaya ee gumaysigu codka uu ku duubayna waxaan leeyahay waa lagaa xog ogaalsanyahay 

Roda Ibraahim (Afjano)

931 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]