Maqaaladii Hore, Hussen

WQ. Hussen Nuur


Magaca Ogadenya -iyo Qadiyadda Gobanimadoon
| 1 | 2 |

Gumaysidiid
| 1 | 2 | 3 | 4 | 5 |

 

Halku-dhigyada JWXO

Urur walba oo siyaasi ah, asaasayaashiisu waxay ka baaraan dagaan inay ku qeexaan ereyo gaagaaban oo durba la fahmi karo ujeedada ururkooda iyo hadafka uu beegsanayo inta aanay soo hordhigin dadweynaha ay quseyso. Waxaana haboon in erayadaasi ay muujiyaan wadada loo mari karo hadafkaa la beegsanayo.
Erayadaas gaagaaban ee ujeedada fog leh ayaa lagu magacaabaa –Halku Dhigga- ururka. Waa erayo ay ku dhan yihiin maaxda fakir ee ururkaasi.

Halku dhigyadu waxaa kaloo ay muujiyaan xaaladda ay bulshadu ku sugantahay waqtiga la dhisayo ururkaasi waxaana lagu saadaaliyaa guusha ka dambaysa wadada dheer ee loo marayo hadafka.

Si aan u fahanno tilmaamaha iyo fikirka ay ku qotomaan halku dhigayada Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya JWXO, waxaa haboon inaan dib u jaleecno heerkuu taagnaa halganka gobnima doon iyo xaaladihii ku xeernaa bulshada Ogadenya xiligii la asaasay Jabhadda 1984kii.

Bishii Marso 1978dii ayey dawladdii Maxamed Siyaad ku dhawaaqday inay dib ula soo baxday ciidamadeedii galay Ogadenya. Arintani waxay ka dambaysay ka dib markii ciidankii Somaliyeed lagu jabiyey agagaarka Jig-Jiga oo ay ku jabiyeen ciidamadii isu bahaystay oo ka soo jeeday dawladihii shuuciga. Jabkaa soo gaadhay Ciidanka qalabka sida ee Somaliya wuxuu galiyey jahawareer siyaasaddii iyo xasiloonidii Jamhuuriyadii Soomaliyeed ka dib markii si habaqsanaan ah oo aan habaysnayn looga soo carary goobihii dagaalka. Koox saraakiil ah oo qabiil isu xushay ayaa damacday inay ka faa’idaystaan kala daadsanaanta ka dhalatay jabka ciidanka soo gaadhay ayaa 8dii Abriil 1978kii isku dayey afgambi hasa ahaatee kuma aanay guulaysan, saraakiishii badankoodna waa la qab-qabtay, intii soo hadhayna dibadda ayey uga carareen dalka iyagoo magan galay cadawgii ay shalay la dagaalamayeen.

Mingiste Xayle Maryam oo talada Itobiya gacanta ku hayey xiligaa si xirfad leh ayuu uga faa’idaystay hadiyaddan gacantiisa ku soo dhacday wuxuuna qorshaystay durbadiiba inuu dagaal sokeeye gudaha Somaliya ku furo si looga joojiyo dagaalada gobanima-doon oo islamar-ahaantaa uu gorgortan ula galo Somaliya marka ay timaado wada hadal siyaasadeed. Kornayl Cabdullahi Yusuf oo ka mid ahaa saraakiishii u baxsatay Itobiya ayaa ku dhawaaqay jabhad hubaysan oo ka soo horjeeda Somaliya saldhigna wuxuu uga dhigay gudaha Ogadenya. Jabhadaa oo la magac baxday Somali Salvation Front SSF (Jabhadda Badbaadinta Somaliya) ka dibna isu badashay SSDF waxay dhabar jab ku noqotay isku xidhnaantii bulshada Somaliyeed waxyna wadada u xaadhay in markii ugu horeysay taariikhda umadda Somaliyeed ay ciidamo taageersanaya Itobiya ay dagaal ku soo qaadaan wadankoodii hooyo. Mudadaa intii ka dambeysay ciidankii dawladda Somaliyeed iyo xukuumadii Maxamad Siyaad-ba waxay ku mashquuleen badbaadinta dawladii Somaaliyeed…

Qoraalka la magac baxay (Taxanaha Taareekheed) ee ku qoran Ogaden online, erayadan ayuu ku cabiray halgame Daahir Maxamed Cali (Baasto) oo ka tirsanaa Ururakii dhalinyarada marxaladii la marayey:

“ … Intaas kaddib waxaa aad hoos ugu dhacay mowqifkii xukuumaddii Soomaaliya ee ku aadanaa Itobiya iyadoo u nuglaatay rabitaanka Mangistu Xayle Maryam oo ay ugu hareyso taageerada ay Soomaliya siiso halaganka jabhadda xoreynta Somali galbeed.”

Dagaalo ay wadaan maleesiyo SSDF iyo ciidamada Itoobiya oo is-bahaystayah ayaa ka qarxay xadka gobolada dhexe, waxayna Itobiya ku guulaysatey markii ugu horeysay taariikhda geeska Afrika inay difaac galiso ciidanka Somaliya islamar-ahaantaana ay khalkhal galiso caqiidadii ciidanka qalabka sida ee Somaliya oo ku dhisnaa xoreynta dalalka maqan.

Dhanka siyaasadda qudheeda wax weyn baa iska badalay oo durbadiiba dawladii Somaliyeed waxaa ku dhalatay in WSLF loo haysto gorgortanka lala gali doono Itobiya marka labada dal ka wada hadlayaan arinta xasilooni darida xuduuda. Arinta inay sidaa tahayna waxaa daliil u ah sida macangag nimada lehee ay xukuumaddii Maxamad Siyaad u cabudhisay xoogagii bulshada Ogadenya ee damcay inay qaabka halgan ee WSLF wax ka badalaan si loola amba qaado marxaladda cusub. Bal hadda aynu mar kale eegno qoraalkii (Taxanaha Taareekheed) ee halgame Baasto:

(……..Sanadkii 1981kii waxaa la qabtay shirweyne ka dib markii ay sidaasi codsadeen shacabka dalka gudihiisa iyo ciidanka jabhadda oo uu ku dhacay culayskii halgan (ka dib markii ay ciidankii Somaliyeed dib ugu soo gurteen gudaha dalkooda) Waxaa shirkaa lagu doortay gole dhexe oo ka kooban 51 xubnood oo uu ku jiro xoghaye guud oo loo doortay Maxamed Diiriye Uurdoox, waxaana la dajiyey xeer qaanuun ahaan, nidaam ahaan iyo halgan ahaanba qeexaya inay jabhaddu tahay haya’d siyaasadeed oo matasha shacab leh dhul iyo magic la ogyahay …).

Xukuumaddii Maxamad Siyaad waxay u aragtay go’aankaa ay jabhaddu gaartay ee la damacsanaa in lagu badbaadiyo marxaladdii adkaydee soo waajahday halgankii gobanimadoon ka dib markii ay dawladdii Somaliyeed gudaheediiba la handaday, talaabo loola dan leeyahay in qorshaheeda lagaga horyimaado, waxayna bilowday falal ka hortag ah. Sidan ayuu u qoray halgame Daahir maxamed Baasto dhacdadaa:

(… Hogaankii Uurdoox ma noqonin mid cimri dheeraada ka dib markii ay isaga iyo dawladdii Somaliyeed isku khilaafeen aragtida siyaasadeed ee ku aadan Somali galbeed, waxaana laga codsaday inuu xilka wareejiyo. )

Dhacdadaa wixii ka dambeeyey waxaa la faray hogaankii WSLF inay si toos ah uga amar qaataan wasaaradaha gaashaandhiga iyo tan arrimaha dibadda.

Ururadii bulshada gaar ahaan ururkii dhalinyarada arintaa uma aanay cuntamin waxayna bilaabeen gadood iyo ka horimaad iyo inay dalbaan shir weyne lagu dhiso hogaan cusub, waxaase durbaba faraha la soo galay nabadsugiddii Somaliya waxaana xabsiga loo taxaabay madaxdii ururka dhalinyarada Somali galbeed.

Ujeedada ay dawladda Somaliyeed u xakamaynaysay WSLF una diidanayd inay yeelato siyaasad ka madaxbanaan midaa dawladda Somaliyeed waxay ku qotontay oo qudh ah in lagula gorgortamo Minigiste. Halkaa waxaa ka muuqatay in halgankii xoraynta gobolka Ogadenya oo isu badalay xaalad lagu baadbaadinayo jiritaanka xukuumada Somaliya. Arinta inay sidaa tahayna waxaa marag fur u noqday shirarkii isdaba joogga ahaa ay qaateen labadaba dawladood ee dulucda heshiiskii ka soo baxay uu noqday in labada dhinac ay joojiyaan wixii xasilooni darro u keeni kara iyo in xadka labada dal aan jabhaduhu ka soo galin.

Hadii aan xukuumada Somaliyeed ugu gar bixinno in marxaladdii ay taagnayd ku kalifaysay inay u dabacdo rabitaanka Itobiya ka dib markii ay dagaalo sokeeye hadheeyeen gudaheedii, waxaa is weydiin leh, waxa ku kalifay hogaankii WSLF inay jabhaddii u rogaan haya’d ka mid ah haya’daha dalka Somaliya?

Mar aan weydiinay su’aashaa oday ka mid ah madaxdii WSLF oo aan shaki nagaga jirin wadiniyadiisa iyo daacadnimadiisa, wuxuu ku jawaabay, ciidan gaadhaya intaasoo kun iyo maamul iyo haya’do samafal ayaanu ka ahayn masu’uul. Miisaaniyadda sanadkii ku baxa waxay gaadhaysay intaasoo malyan ee xagee baan ka keenaynaa? Waa jawaab qancinaysa qof kasta marka loo fikiro xisaab ahaan lana ogyahay awooda dhaqaale ee bulshadeena iyo xaaladda siyaasadeed ee dunida sideetanaadkii 80th .

Waxaan filayaa inuu kuu muuqday sawirka siyaasadeed ee marxaladdii ka horeysay asaaskii Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya, waxaana lagu soo ururin karaa erayadan;

1- Ciidankii Somaliyeed oo lagu soo jabiyey dagaalkii ay ku galeen sida qorshe la’aanta ah, ka dibna u kala jabay hab qabiil.

2- Xukuumaddii Maxamad Siyaad Barre oo awoodeedii dhaafin kari weyday inay iska caabiso mucaaradka ay Itobiya ku soo hubaynaysay.

3- Itobiya oo qorshaysatay inay ku cadaadiso Somaliya mucaarad hubaysan inta ay ka ogalaan baabi’inta qadiyadda Ogadenya iyo Somaliya oo u jilicday qorshahaa.

4- Xukuumaddii Maxamad Siyaad oo diiday inay faraheeda ka baxaan kaarka Ogadenya, oo ah midka ay kula gorgortamayso Itobiya si looga joojiyo mucaaradka sii xoogaysanaya.

5- Bulshadii Ogadenya oo ka gadooday xaalka murugada lehee uu ku damabeeyey halgankii kuman-naanka naftii hore ay ku naf weyday.

6- Iyo hogaankii WSLF oo diiday inuu isbadalada dhacaya ka qaato mawqif u danaynaya qadiyada.

Arimahaa iyo kuwa kaleba waxay dhalisay in xubnaha nool ee bulshada Ogadenya ay u cadaato in halgankii laga dhaxlay halyey Axmad Guray aan lagu aamini karin gacanta xukuumad leh duruufteeda siyaasadeed iyo hogaankii WSLF oo noqday shaqaale xukuumadeed.

Talo isweydaarsi iyo kulanno iyo baaritaan dheer ka dib waxaa la go’aansaday in lagu badbaadiyo halganka urur leh aragti fog oo ka faa’ideystay taariikhdii halgan iyo asbaabihii ay la fashileen kacdoonadii ka horeeyey.

Nabadsugidii dalka Somaliyeed ma moogeyn xogta ay ku sugantahay bulshada Ogadenya, waxayna isu diyaarisay sidii looga hortagi lahaa inuu dhismo urur ka madax banaan rabitaanka dawladda Somaliyeed. Sannad, 2ba sano, 3ex sano ayaa la dhawrayey fikirka ka soo yeedhi doona aqoonyahanka Ogadenya, ugu dambeyntii 15kii bishii Augost 1984 ayaa lagu dhawaaqay maaxdii wada-tashi ee bulshada Ogadenya waxaan ifka u soo baxay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya JWXO (ONLF). Waxayna ugu dhawaaqeen bulshadii Ogadenya ee u diyaarka ahayd badbaadinta halganka gobanima doon barnaamij tawri ah oo halku- dhiggiisu yahay – Midnimo – Mintid - Isku-tashi – Guul – Allahu Akbar.

Ereyadan gaagaaban waxay qeexayaan wadada ay JWXO dooratay inay u marto guusha gobanimo iyo habka ay doonayso inay ku hogaamiso bulshada si looga badbaadiyo guuldaro kale oo ku timaada geedi socodka halganka boqol jirsaday.

Hadaan intaa ku soo koobno ifintii xaaladihii dalka iyo bulshaduba ay ku sugnaayeen, ka hor asaaskii JWXO oo aan u gudubno dulucda faaladeena ee ku aadan halku-dhiyada JWXO, waxaan isku dayi doonaa inaan mid mid u ifino anagoo baarayna dhamaan macnaha uu xambaarsan yahay ereygaa iyo ku dhaqanka hal-kudhiggaasi.


Way socotaa...........................................

--------------------------------------------------------------------------------


 




 
Free Counter
Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.