| W/Q Axmed Gaal-er
Radio Xoriyo 11 Marso 2005
Xidhiidhka u dhexeeya dawlada Maraykanka, oo ah awoodda kaliya ee
maanta maamusha caalamkan aynu ku noolahay, iyo xukuumadda gumaysiga
Itoobiya ayaa mugdi galay, ka dib markii ay wasaarada arrimaha dibada
ee dalka Maraykanku soo saartay warbixinteedii sannadlaha ahayd ee
ku saabsanayd xaaladda xuquuqda bani’aadamka ee adduunka.
Xukuumadda Itoobiya ayaa warbixintaas si wayn uga xanaaqday, isla
markaana ka bixisay jawaab ay dadka diblumaasiyada ku xeel-dheer ku
tilmaameen inay tahay mid ka turjumaysa quusta uu maamulka Addis Ababa
ka taagan yahay in Maraykanku ugu sii dul-qaato xadgudubyada uu hadh
iyo habayn faraha kula jiro ee ka dhanka xuquuqda aadanaha iyo dhaqanka
dawladaha xilksaka ah lagu yaqaano.
Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maraykanka ayaa toddobaad ka hor
soo saartay warbixintii xuquuqul insaanka ee sannadka 2004, taasoo
dal walba ay dhinciisa uga hadashay sida uu u ilaaliyo ama ugu tunto
xuquuqda bani’aadamka.
Warbixintani waxay sannadkan si wayn uga nixisay xukuumadda dhiig
miiratada ah ee ka talisa dalka Itoobiya, ka dib markii dibada loo
soosaaray qayb yar oo ka mid ah xadgudubyadii bani’aadamka ka
dhanka ahaa ee ay kula kacaysay dadwaynaha rayadka ah ee Itoobiya
iyo umadaha ku hoos jira gumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya ka midka
tahay.
Warbixinta xuquuqul insaanka ee Maraykanka waxaa si wayn loogu canbaareeyay
xukuumadda Addis Ababa, iyagoo lagu eedeeyay in ciidamdeedu ay sanadkii
2004 gaysteen denbiyada ay kamidka yihiin dad rayad ah oo si sharci
darro ah loo dilay, dad siyaasad ahaan loo dilay, dad la garaacay,
kuwo la jidhdilay iyo kuwo loo xidha si aan sharciga waafaqsanayn.
Maraykanka ayaa sidoo kale xukuumadda Itoobiya ku eedeeyay inay qaqabato
oo xabsiga ku hayso dadka rayadka, gaar ahaan dadka lagu tuhmo inay
taageersan yihiin Ururka ONLF iyo Ururka Oromada ee OLF, kuwaasoo
xabsiga la iskaga hayo iyadoon wax maxkamad ah la horkeenin. Waxay
warbixintu sheegtay in kumanaan rayad ah xabsiyada lagu hayo iyagoon
maxkamad la saarin. Waxay sidoo kale warbixintu si wayn uga dayrisay
xaaladda xabsiyada Itoobiya.
Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay in ciidammada Itoobiya ay
15-kii Juun 2004 xabbad ku fureen baabuur marayay nawaaxiga magaalada
Godey oo ay dad rayad ahi saarnaayeen, halkaasoo ay ku dileen 10 qof
oo dadkaas ka mid ah. Baabuurkan waxay ciidamada Itoobiya xabbada
ku fureen, ka dib markii ay isku dheceen isaga iyo baabuur kale oo
ciidammadu wateen.
Xukuumadda Itoobiya waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay si wayn ugu
xadgudubto xuquuqda gaarka ah ee dadwaynaha, iyadoo iska indha-tirta
sharciga dalka u yaalla.
Xukuumaddu waxay sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogtay xorriyada
saxaafadda, iyadoo sannadkii 2004 suxufiyiin dhawr xabsiga la dhigay,
ka dib markii ay qoreen maqaallo ay siyaasada xukuumadda ku dheleecaynayaan.
Dawladu waxay sidoo kale xayiraad ku soo rogtay xorriyada is-abaabulka
iyo kulannada siyaasiga ah, iyadoo gacan bir ah ku qabata xubanah
ku abtirsada xisbiyada mucaaradka ah. Warbixintu waxay tusaale u soo
qaadatay xisbiga mucaaradka ah ee All Ethiopian Unity Party (AEUP)
oo sheegay in laga soo billaabo bishii Disember 2003 ilaa iyo bishii
May 2004 ay ciidammada ammaanka ee xukuumaddu dileen 11 taageerayaashooda
ka mid ah, iyadoo dadkii dilalkaas gaystay aan wax maxkamad ah la
horkeenin.
Waxay kaloo warbixintu tilmaantay in sannadkii tegay ay ciidamada
ammaanka ee xukuumaddu xoog u isticmaaleen kala dirista dad si nabadgelyo
ah u bannaanbaxayay.
Waxaa kaloo xukuumadda Itoobiya lagu eedeeyay isku dhacyada beeleed
ee ka dhaca meelaha kala duwan, iyadoo beryihii denbe ay aad u bateen
dadka qaab beeleed ama kooxeed u dagaallama. Warbixintu markii ay
ka hadlaysa isku dhacyada beelaha ama kooxaha waxay tusaale u soo
qaadatay dagaal beeleedkii 9 ilaa 10-kii Juun ee kal hore ka dhacay
meel u dhaw magaalada Wardheer, kaasoo ay ku dhinteen 54 qof.
Waxay kaloo warbixintu tilmaantay dorkii ay ciidammada ammaanka ee
xuqkkumadda Itoobiya ku lahaayeen dagaalka ka dhacay gobolak Gambella
oo billowday bishii bishii Disember 2003, socdayna ilaa iyo bishii
May 2004. Bishii Disember 2003 waxay ciidammada Itoobiya seddex maalmood
gudohood ku dileen in ka badan 100 qof oo ah duqey iyo waxgarad u
dhashay qabiilka Anuak.
Baarlamaanka Itoobiyaa ayaa markaas ka dib magacaabay guddi soo baadha
sida ay ciidammadu dilkaas ugu lug-lahaayeen. Guddigaas ayaa soo caddeeyay
in ciidammadu ay gacantooda ku dileen ugu yaraan 13 qof, hase yeeshee
xubin guddigaas ka tirsanaa oo u dhashay gobolka Gambella ayaa sheegay
in tirada dadka ay ciidammadu dileen ay intaas aad uga badan tahay.
Warbixintu waxay sheegtay in askartii dilalkaas gaysatay aan wax denbi
ah lagu soo oogin, iyadoo waliba guddigii Baarlamaanku uu soo caddeeyay
inay ciidammadu dilalkaas gaysteen.
Warbixinta xuquuqul insaanka Itoobiya ee Maraykanku soo saaray waxay
ka hadashay dhinacyo badan oo la xidhiidha siyaasada xukuumadda Itoobiya,
waxayna sawir guud ka bixisay in xukuumadda Itoobiya ayna xilkas ahayn
marka la eego diiwaankeeda xuquuqul insaanka ku saabsan.
Warbixintu waxay si tifatiran uga hadashay dhaqanka xukuumadda Itoobiya
ee la xidhiidha arrimaha xuquuqul insaanka, iyadoo cuskanaysa xogo
dhab ah oo Maraykanku ka helay ilo u gaar ah iyo warbixinaha ay ururrada
xuquuqul insaaku ka qoraan dalak Itoobiya.
Dadka arrimaha gobolka indhaindheeya ayaa aaminsan in dawlada Maraykanku
ay taagan tahay xilligii ay joogtay hooyadii wiilkeeda ku tidhi; "ku
qariyay, oo ku qariyay ee labaatan jir". Dawlada Maraykanku waxay
muddo dheer indhaha ka lalinaysay xadgudubyada ay gaysato xukuumadda
Itoobiya iyo dimuqraadiyada beenta ah ee ay dunida u sheegto.
Waxay dawlada Maraykanku ka dhigatay xukuumadda Itoobiya saaxiibkeeda
ugu muhiimsan dadlalka ku yaalla Gobolka Geeska Afrika, waxayna ka
xigsatay dalka Jabuuti oo saldhig u ah ciidamada Maraykanka ka jooga
Gobolka Geeska Afrika, iyadoo xeerinaysa dano kale oo laga yaabo inay
salka ku hayaan dacaayadihii ay hadda ka hor madaxda Abasiiniya ku
dhex fidiyeen dalalka reer galbeedka ah ee ahaa in Itoobiya tahay
jasiirad masiixi ah oo ku dhex taalla badwayn islaam ah.
Arrintu si kastaba ha ahaatee waxay xukuumadda Itoobiya filaysay
in Maraykanku aanuu marna hoos u soo eegaynin, isla markaana aanuu
ka diiri doonin xadgudubyada ay u gaysato dadwayneheeda rayadka ah
iyo ummadaha kale ee ku hoos jira, sida Ogaadeenya. Iyadoo isku hallayntaas
haysat ayay markaas si aan qarsoodi lahayn ugu tumutay xuquuqda bani’aadamka,
iyadoo dadwaynaha ka xaaraantimaysay xuquuqdii ugu yarayd ee qofka
bani’aadamka ahi yeelan lahaa.
Marka la eego dadwaynaha Soomaalida Ogaadeeya waxay xukuumadda Itoobiya
ka xayuubisay dhammaanba wixii uu xuquuq lahaa. Waxaa ciidammada loo
jideeyay inay dadwaynaha ku sameeyaan fal kasta oo iyaga cajab geliya.
Waxaa la dilaa dadka rayadka ah iyagoon wax denbi ah loo yeelin, dadka
waa la iska xidhaa oo waliba lacag lagu iibsadaa, gabdhaha waa la
faraxumeeyaa, hantida waa la boobaa, waxaa dadwaynaha laga mamnuucaa
inay si madaxbannaan u sheegtaan waxa ay doonayaan, waa loo caga-jugleeyaa,
waxaa laga xayiraa waxbarashada, waxaa laga cunaqabateeyaa ganacsiga,
siyaasad hadalkeedba ha sheegin.
Arrimahaas oo dhan waa kuwo uu askariga Itoobiya ee Ogaadeenya jooga
la yaabayo haddii la yidhaahdo maxaad u samaynaysaa, sababtoo ah wuxuu
rumaysan yahay inay sharciga Itoobiya qayb ka yihiin, isla markaana
fulintooda lagu abaal-marinayo.
Xukuumadda Itoobiya oo filaysay in Maraykanku sidaas uga aamusanaanayo
ayaa hadda aad uga qayliday warbixintan, waxayna ku tilmaantay inay
"been tahay". Dadka arrimaha diblumaasiyada yaqaana waxay
qabaan in marka ay laba dawladood warbaahinta ku wada-hadlaan ay ka
dhigan tahay inay kannaaladii diblumaasiyada isku soo afgaran waayeen
oo ku kala boodeen marba arrinta siyaasadeed ee dhex taalla.
Markay xukuumadda Addis Ababa warbixinta Maraykanka "been"
ku tilmaamayso waxay hubaal ah inay ka duulayso dhaqankeeda xun ee
ah in qorshe walba oo la fulinayo "been" gundhig looga dhiga,
hase yeeshee waxay illowday in Marykanku uu dakeeda uga xog-ogaalsan
yahay, warbixintiisana ay ku salaysan tahay dhacdooyin cad-cad oo
caddaymo loo hayo.
|