Nagala soo xidhiidh e-mailkan contacts@qorahay.com
 
 
Maskax Calawsani way iska Cadar da’daa.



Barayahan damabe waxaan cimidh noqtay qoraalada ay qoraan dad ka ay maskaxdo Wareentaysay qabyaaladu kuwaas oo udhasha gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya waxayna danmoodeen in ay dacaayad aan waxba ka jirin iyo been abuur ku Qoraan bogaga intarnetka iyagoo ku eedeeya ama ku til maama uruurka xaq u dirirka ah ee ONLF in uu yahay Argagixiso. Hadaba anigoo fikirkayga hufahaya kana fog aflagaado iyo in aan si ula kac ah ugu Gafo qof muslim ah bal waxaan akhrisatayaasha sharafta badan la Wadaagahayaa maqaalkan Magiciisu kor ku xusan yahay

Sidaan kolkii hore xusay dad bay caado u noqotay in ay ku iftiroodaan URURKA xaq udirirka ah ee dagaalka hubaysan kalasoo horjeeda cadawga umadda Soomaaliyeed. Hadaba ruux kasta oo qaangaadh ah waxaa saaran mas’uuliyad balaadhan oo lagula xisaabtami doono taas oo Kolka ugu horaysa ka saaran naftiisa waxaana haboon kolkuu ruuxu wax ka sheegahayo cidkale in uu ku taagan yahay wadiiqaha xaqiiqada islamarkaasan uu ka hadlo wax muuqda oo cidwliba ay garan karto hadiise hadalkaagu uu noqdo cargaagtan iyo dacaayad kusalaysan been abuur majiro wax aad saxi iyo cid aad dhaliilikartaatoona hadaan u daadago nuxurka hadalkayga iyo cida aan kula hadalahayo. Waxaa jira dhib caam ah oo kajira geeska Afrika Waxaana Sababay gumaysiga Abasiinya ee mudada dheer haysta shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo diidan in xoog lagu muquuniyo halgano is daba joogahna kula jira gumaysiga Qarniyada haysta qofkasata oo bani Aadam ah wuxuu xaq u leeyahay in uu unoolaado si xor ah una madax banaanaado go’aan qaadashadiisa hadii uu waayo waa khasab in uu u maro Wadada ugu sahlan ee uu ku helahayo xoriyadiisa.

Hadaba shacabka Soomaalida Ogaadeenay iyo hogaankooda ururka ONLF waxay u taagan yihiin ooy Baadi Goobahayaan xoriyadii ay xaaq ulahaayeen oo ay ka doonahayan gumaysiga madaw, kolkay sidaas tahay
Gumaysigii Ogaadenya haystay isla markaana cadawag u ahaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meela ay joogtaba iyo dadka kudhaqan gobolada Waqooyi Galbeed maaxa Xidhiidhiyay?

Iyadoo ka jawaabida su’aashan lagu kala duwanaan karo anigu hadaan ku horeeyo waxay iila Muuqataa laba arimood.

1- Itoobiya oo adeegsanaysa cidkasta oo u dhaganugul ayaa dano gumaysi kaleh guud ahaan Geeska Afrika waxayna danahaas sitoos ah uga dhex fushanaysaa gobolada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Waqooyi Galbeed.

2- Damaca gooni isutaaga Waqooyi Galbeed oo raali galinhaya taliska Adis Ababa si ay uga helaan ictiraaf ama aqoonsi waxayna maamulka Waqooyi Galbeed sanadkii 1996 illaa iyo eegga wadaan talaabo Xawli ah oo dhaqan dooris ah iyagoo si kafiirsi la aan ah ugu gacan galiyay taliska Wayaanaha dad badan oo u dhashay Ogaadeenya halka ay qaar kale oo badana xabsiyada ku oodeen si dulmi ahna ay ugu xukumeen sanado xadhig ah, dadkaas oon ka galin dambi aan ahayn in ay si daris nimo usoo booqdeen.

Hadaba qolyaha Waqooyiga Soomaaliya oo iila muuqda hashii geela cunaysay ee hadana iyadu cabaadaysay saw oo kale soo maha, miyaynan ahayn in ay fikiraan una soo laabtaan xaqiiqada oo cidwalba dan u ah kolkaan aqriyay qoraalo badan oo lagu sheegahayo in ONLF uu aragixiso yahay ooy qoraan qolyahaas aan soo sheegay waxaan soo xusuustay arin jeer dhex martay laba dumar ah oo isu soddoh ahaa, labadaas dumarka ah oo isku xanaaqay yay haweenaydii yarayd aad u caraatantay iyadoo sodoh deed ku cambaaraysay waxyaabo badan oo ay ka hufanayd islaantii sodohadda ahayd oo aad u qabaw una dagan baa tidhi Naa hooy caydii ma dhamaysay haweenaydii cayatamaysay way aamustay ilayn wax ay ku hadasho ma aynan hambayasnine islaantii la caayahayay baa si isku kal soo ni ah u tidhi gabadhyahay Istaqaanid ooy ula jeedo waxaad aniga igu caayayasy oodhanba adaa ku sifaysan eegga waxaan ula jeedaaa sheekadan tusaalana aan uga dhigahayaa waa iga Su aal e urur gobanimo doon ah oo ladagaalamahaya gumaysi iyo dad inaty dawlad isku sheegeen dad shacab ah oo muslimiin ah oo walaalahood ah uguna soo gudbay sidii awalba laysugu soo gudbi jiray ee ahayd jirina wax kala joojiyay una sii dheertahay qaraabo booqashao iyo beecmushtarba intay afduubeen ka gatay gumaysigii awalba faraha kulul ku hayay labadaas qolo keebaa ku haboon in lagu tilmaamo Araggixiso waxaan fili in ruux kasta oo caqli iyo damiir fayaw lihi uu si fudud u garan jawaabat runta. eegga kobtaas ayaan ku joojin qoraalkan oon sii nudi doono Hadii eebe ii ogolaado

Xaliimo Ibraahim
kamaydho@yahoo.com







Free Counter
Contact: contacts@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2004, All rights reserved. Qorahay Online.