Masar Oo La Sheegay Inay Diyaarineyso Weerar Itoobiya Ka Dhan Ah

Warar

Sida Ay Maanta Oo Isniin Qortay Channel ka Russia Today Waxaa La Ogaadey Inay Masaaridu Diyaar U Yihiin Weerar Xooggan Oo Lagu Fashilinayo Biya Xidheenka Abaay Kaas Oo Ay U Arkaanbey Tidhi Masaaridu Mid Jiritaankooda Halis Galin Kara Mustaqbalka

5a49280ad437506e0e8b4583

In Kastoo Labada Dowladoodba Saxaafadda U Sheegeen Inay Kiiska Si Nabad Galayo Ah Ku Xallin Doonaan Haddana Masaarida Waxaa La Sheegayaa Inay Diyaar Garow Kale Wadaan Taas Oo Itoobiyaanku Si Weyn Uga Cabsi Qabaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shugri Oo Booqday Addis Ababa Asbuuci Tagey Ayaa Kulamadii Uu La Yeeshay Madazda Xabashida Aaney Waxba Ka Soo Bixin Gaar Ahaan Qodobkii Ay Masar Ku Dalabatay In Khubaro Ka Socota Bangiga Adduunka Laga Qeyb Galiyo Baadhayaasha Saameynta Biya Xidheenka Abaay  Qodobkaas Oo Ay Itoobiya Ka Caga Jiiday Maadaama Aaney Wax Jawaab Ah Ka Celinin Ilaa Hadda

Si Kastaba Ha Ahaatee  Itoobiya Oo Ay Kacdoonno Ka Jiraan Ayaa La Sheegayaa Inayba Jeclaan Laheyd In Masar Weerar Iga Yimaaddo Si Ay Colaadda Gudaha Uga Danto Arrintaas Oo Masaarida Naftoodu Dareensan Yihiin Waxaase Hubaal Ah Ugu Danbeysta Inay Faraha Isla Gali Doonaan Labada Dhinac

Wadani Ali Qorahay Media

4,453 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,522 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,979 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,382 total views, 0 views today

Share