MD Farmaajo Oo Daahfuray Hawadi Soomaaliya Oo Muqdisho Loo Soo Warejiyey

Warar

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Xarunta laga maamulayo  Hawada Soomaaliya oo 27-sano kadib Muqdisho loo soo wareejiyay.

hag-3

Munaasabad balaadhan oo xaruntan cusub xadhiga looga jarayay ayaa maanta ka dhacay Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya oo kutaala Garoonka Aadan Cadde, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay halka ay yaalaan qalabka loogu tala galay in lagu hago hawada Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha indhihiisa ku arkay qalab casri ah oo loogu tala galay hagida hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tijaabo ku sameeyay qalabkan lagu hagayo hawada Soomaaliya, waxa uuna Madxaweynaha qalabkan kala hadlay diyaarado hawada Soomaaliya xiligaasi ku jiray.

Soomaaliya ayaa 27-sano kadib ku guuleesatay in ay dib ula soo wareegto maamulida hawadeeda oo horey looga maamuli jiray dalka Kenya, waxa ayna tilaabadan umada Soomaaliyeed iyo dowladaba u tahay guul weyn.

Dhanka Kale Maamulka Somaliland Ayaa Tallaabadan Ka Qrylyey Isla Markaasna Si Weyn Uga Soo Horjeestay Waxeyna Ku Tilmaameen Tallaabo Hal Dhinac Ah Oo Ay Dowladda Federaalku Qaadatay Waxeyna Ka Soo Hor Jeeddaa Wadahadalladii Istanbuul Sida Ay Hadalka U Dhigeen

Wadani Ali Qorahay Media


 

263 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,490 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,977 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,597 total views, 0 views today

Share