MD Farmaajo Oo Qudbad Adag Ka Jeediyey Shirka Midowga Afrika Ee Addis Ababa

Warar

Madaxweyne Farmaajo Ayaa Qudbad Qiimo Badan Wuxuu Ka Jeediyey Shirka Midowga Afrika Ee Addis Ababa Ka Socda

Shirka 30-aad ee Midowga Afrika, oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Gumeysiga Itoobiya. Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galaya Madax Fara Badan Oo Afrikaan Ah

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyey Madaxweynayaasha kasoo qeyb galay shirka, isagoo sidoo kale bogaadiyey hiigsiga Afrika ee sanadka 2063, kaas oo isku xiri doona Afrika, una yeeli doona awood dhaqaale iyo mid horumar.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxda Afrikaanka ah in Dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen Sharciga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, adkeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta Dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay taasi caddaynayso ka dhab-ahaanshaha Ururka ee xaqiijinta Hiigsiga 2063, taas oo keenaysa isdhexgalka iyo horumarka Bulshada Afrika.

Wadani Ali Qorahay Media

15,523 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,277 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,434 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,517 total views, 0 views today

Share