MD Trump Oo Ku Hadlay Hadal Lala Fajacay Iyo Caalamka Oo Idil Oo Canbaareeyey

Warar

Donald Trump oo ka hadlayay sharciga cusub ee dadka Soo galootiga dalka Mareykanka ayaa ka dhawaajiyay hadalo si gaar ah  Uu ula beegsaday dadka kasoo jeeda dalka Haiti iyo kuwa qaarada Afrika.

doqon-218x150

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka shan qariyay hadalo ay adag tahay in af Soomaali lagu turjumo ayna ka muuqato cunsuriyad iyo meel ka dhac meeshii ugu xumeyd uu u geesanayo dadka soo galootiga ah.

“Maxaan ku dooneynaa in aan dalkeena u keeno dalalkaas ka soo baxay xaga danbe”  Ee Qudhunka Ah ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Mareykanka xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay qaxooti Laga soo qaatay dalal Afrikaan ah iyo dalka Haiti.

Dalka Mareykanka ayaa qaabilay ogolaansho KMG ahna siiyay  Qaxooti ka badan 50, 000 oo u dhashey dalka Haiti kadib markii uu dalkaasi ka dhacay dhul gariir dad badan ku dhinteen sanadkii 2010-kii, waxa uuna Trump doonayaa in dadkaasi dalkoda dib loogu celiyo.

Hadalka kasoo yeedhay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa dhaliyay cadho badan ,waxaana hadalkan cunsuriyada ka muuqato cambaareeyay wadamo ay ku jirto Botoswana Ururo caalami ah Sida Qaramada Midoobay Midowga Afrika  iyo dad kale oo magac leh.

Trump Ayaa Ku Dooday Inay Munaasib Tahay Inay Qaxootiga Ka Soo Qaataan Dalka Norwey Halkii Ay Africa Iyo Latiin America Ka Soo Qaadi Lahaayeen Waa Hadalkii Ugu Qaab Xumaa Ee Shaqsi MD Sheeganaya Ka Soo Yeedha Wixii Ka Danbeeyey Dagaalkii Labaad Ee Adduunka

Wadani Ali Qorahay Media

 

224 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,455 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,942 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,562 total views, 0 views today

Share