Meelo Ogaadeenya ka mid ah oo si fiican looga guyaadsaday & shacabka oo aad ugu riyaaqay

Warar

Wararka Qorahay Media gudaha Ogaadeenya uga imaanaya aya sheegaya in roobka guga uu si fiican uga da’ay gobolada Ogaadeenya qaar kamid ah si wanaagsana uu dhulka daadku u jeexay, sida aanu warkan ku helay roobabku waxay si fiican uga de’een gobolada Faafan, Jarar, Qorahay & Nogob gobolka Shabeelle roobku mawada gaadhin balse meelo ay degnmada Dhanaan kamid tahay ayaa si fiican loogu guyaadsaday.

Wabiyada, Togaga, Laagaha & faraqyada ayaa isku biyo daray isla markaasna dhul aan wali roobku gaadhin biyaha geeyay waxaa iyaguna biyo galiyay baliyada & baraagaha goboladaas roobaystay ku yaala, dadka, duunyada & deegaanka ayaa intaba siweuyn looga dareemayaa raxmaadka uu eebbe ku shubay dhulka uusan wali si fiican roobku uga di’ina waxaa laga rajo qabaa inuu ka hooro sansaankuna waa saadaal qurxoon oo dhamaan dhulka Ogaadeenya ka simanyahay.

Sikastaba ha ahaatee dadka, dalka, & duunyadaba waxaa waxyeelleeyaya abaaro is xigxigay oo guud ahaan geeska Afrika naafeeyay kuwaas oo shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay dhibaato xoogani ka soo gaadhay dhibka gumaysiguna uu u dheeryahay, hadaba waxaa Allaah looga mahad celiyay raxmaadka oo marwalba uu shacbku rajaynayay rajayna doono.

Qorahay Media

10,607 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,418 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,905 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,525 total views, 0 views today

Share