Dec 01, 2012 (QOL)
Gudoomiyaha Ahlu-Sunnaha ee ka barbar dagaalanta Ciidamada
Dowlada Soomaaliya Sheekh Maxamed Xeefoow ayaa maanta xili
ay isaga iyo Masuuliyiin kale oo Ururiiska katirsan ka duuli
rabeen Giroonka Aaden Cadde International Airport ee Magaalada
Muqdisho kuna jeedeen Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya
waxa uu shir Jaraa'id ugu qabta Saxaafada wuxuuna ka hadlay
sida lasheegayo arimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen hanaanka
wada shaqayn ee ay Dowlada dhexe ee Soomaaliya la leeyahiin,
iyo in lamideeyay dhamaan Hay'adaha Ahlu-sunna.
Waxuuna
Gudoomiyaha Ahlu-sunna Saxaafada u sheegay inay Ciidamadoodii
la wareegtay Dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxa uuna intaas
raaciyay inay jiraan shirar ay isugu imaan doonaan hay'adaha
Ahlu-sunna Waljameeca si loo dardar galiyo wada shaqaynta
Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu Sheekh Maxamed
Xeefoow hoosta ka xariiqay inay dhawaan Magaalada Muqdisho
xafiis ka furan doonaan Kooxda Ahlu-sunna oo midaysan.
Isku soowada uruuriyoo Ahlu-sunna ayaa inta badan dagaal
kula jiray Alshabaab gaar ahaan kuwa ku sugan gobolada dhexe
ee Soomaaliya.
Noor Mohamed
Qorahay Media