Xildhibaan Mohamed Ismacil Shuuriye oo Warbaahinta Qorahay waraysi gaar ah siiyay arimaha Jubooyinkana kaga hadlay.

Dec 01, 2012 (QOL) Xildhibaan Mohamed Ismacil Shuuriye oo ka qeyb galay shirkii Ururka Dhalinyarada Jubaland ee Magaalada Nairobi ka dhacay ayaa ugu horeyn la wax laga waydiiyay dariinkiisa maanta ee ku aadan shirka Ururka Dhalinyarada (JYL).

Xildhibaanku wuu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay kana warhayay in Dhalinyaradu shirkan dadaal kaleoo waxqabadba ay soo wadaan, waxaa kale oo wax laga waydiiyay cabashada shacabka Gobalada Jubaland ee ku aadan Dowlada Somalia.

Xildhibaanka oo arintaas ka jawaabayay ayaa yidhi ''hadii aanu ahay Xildhibanada Jubaland ee ku jira Dowlada Somalia waxaanu diyaar lanahay waxaa uu dhigayo Dastuurka Somalia in ay helaan shacaka Jubaland'', wareysigaas oo faahfaahsan iyo dood xiise badan oo ku saabsan Ururka JYL maalinta barito ah Radio Qorahay ka dhagayso hadii uu rabbi ogolaado.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

m

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online