Jaaliyada Ogaadeenya ee Dalka Netherlands oo shir aad u muhiim ah qabatay abaabul xoogana wada.

Dec 01, 2012 (QOL) Waxaa maanta Magaalada Breda ee Dalka Netherland lagu qabtay ee shir ay soo agaasintaay Jaliyadda Soomaalida Ogadenya ee Dalkaas Netherlands oo loo yaqaanno SORON, shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Mas’uuliyiinta qaybahha kala duwan ee Jaaliyadda iyo Hawl-wadeenada Jaaliyadda si wanaagsana loo soo agaasimay ayaa lagaga hadlaay qodobadan hoos ku qoran.

1- Wacyiga ay ku sugantahay Ogadeniya iyo marxaladda uu halganku marayo.
2- Talaabooyinka Gumaysigu ka qaadayo gudaha ogadeniya iyo heerka uu doonaayo inuu shacbiga ogadiniya u bahdilo.
3- Halka ay ku danbeeyen Kuwii gumaysiga isu dhiibay iyo marxaladda ay ku suganyihiin.
4- Iyo hawsha u taala jaaliyadaha dibadda oo ay jaaliyadani ka mid tahay.

Hadaba Dhamaan Mas’uliyiintii iyo xubnihii ka hadlay shirka waxay dhamantood qireen muujiyena inay ku faraxsaanyihiin heerka iyo halka uu marayo halganka Ogadeniya, waxayna dhamantood balan qaadeen inay labanlaabayaan hawsha ay ku taageerayaan halganka Ogadeniya, waxaa kale oo uu shirku cambaareeyey Gumaysiga Madoow ee thiopia iyo Juhalada uu gacanyaaraha ka dhigtay oo isku dayaya inay shacabka Ogadeniya dhaqanka iyo diinta ka dilaan oo ay ka dhigaan kuwo dhag dhacay oo maskaxda ka dhintay.

Isku soo wada xaadhoo waxaa shirka lagu sii iclaamiyey goobta iyo waqtiga la qaban doono shirar kale oo badan kuwaas oo lagu dar-dar galin doono abaabulka iyo habsami u socdaka hawlaha Jaaliyadda.
Gaayfane
Qorahay Media
The Netherlands
qorahay99@yahoo.com

m

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online