Dec 01, 2012 (QOL)
Gudoomiyaha Dowlada dhexe ee Soomaaliya u qaabilsan Gobolka
Gedo ee
Koonfurta Soomaaliya Maxamed Cabdi Kiliil ayaa sheegay inay
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM mardhaw
kala wareegi doonaan Kooxda Alshabaab Degmada Baardheere
ee Gobolka Gedo oo ay Kooxdaasi inbadan Gacanta ku haysay.
Gudoomiye Kaliil oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay
Diyaar garoow xoogan ugu jiraan sidii ay Kooxda Alshabaab
uga saari lahaayeen Degmada Baardheere oo haatan la tuhunsan
yahay inay kamid tahay
goobaha ay Alshabaab ugu xooga badan yahiin Koonfurta Soomaaliya,
waxa uuna intaas ku daray inay si adag ula dagaalami doonaan
cidkasta oo Shabaab katirsan isla markaasna isku dayda inay
ka hortimaado
duulaanka Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee
AMISOM.
Isku soowada uruuriyoo hadalka Gudoomiye Kaliil ayaa kusoo
beegmaysa xili wax Todobaad kayar uun laga joogo ay Ciidamada
Kooxda Alshabaab Dagaal aad u xoogan oo khasaare balaadhan
dhaliyay ku qaadeen Degmada Beled-Xaawo ee dhacda cidhifka
ugu dambeeya ee Gobolka Gedo, arintaas oo makhraati u noqon
karta inay Alshabaab wali ku xoogan yahiin Gobolkaasi Gedo
ee Koonfurta wadanka Soomaaliya, balse waxaan hadii Alle
Idmo kawar sugi doonaa hadalka Gudoomiye Kaliil iyo waxa
kadambeeya.
Noor Mohamed
Qorahay Media