Garyaqaan & Odhaahdiisa
Xigmadaysan muxuu maanta yidhi.
Nov 8, 2012 (QOL) Maasha Allaah: Alleylehe,
maanta ayay Soomaalidu fahantahay dariiqa dhabta ah oo ay
wadadii loogu tala galay cagta saartay xataa waxay maanta
fahmeen in qadiyadda Ogaadeenya tahay
dhibaatada
Geeska Afrika isla markaasna Xoriyadda Ogaadeenya ay tahay
furaha nabadda Geeska Afrika, waxaa kale oo Soomaalidu garwaaqsadeen
in Geeridii Meles kadib ay Soomaaliya markii ugu horeeysay
dhisatay Dawlad xor ah oo lagu doortay si sinaan & Dimuqraadiyad
ah.
Waxaad ka hadashay arin aad u farxad badan miyaad iloowday
wali in ay Itoobiya Jirto Ogaadeenyana gumaysi ku jirto, soo
ma aragtidse Soomaalida oo wali u sii hanqal taagaysa Addis
Ababa miyaadse ogtahay TVyada Soomaaliyeed in ay ku qasban
yihiin soo saarida & buun-buuninta Itoobiya qaarkoodna
ayba dhaqaalaha ugu badan ay ka helo Itoobiya, Xawaaladaha
laga qaado laaluush oo tii bixin wayda in ay uga dhamaatay
Soomaaliya & Itoobiya.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com