Wargeyska The Time oo ka hadlay wada hadalkii ONLF iyo Ethiopia ee istaagay iyo khatarta ka imaan karta hakadkaas.

Nov 12, 2012 (QOL) Waxaa bishii hore hakkad ku yimid wada hadal rajo badan laga qabay inuu midho dhalo kaas oo u dhaxeeyey Jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia kadib Ethiopia si ula kac ah u fashilisay, intaas wixii ka danbeeyey waxaa isa soo tarayey walaaca laga qabo inuu mar kale sii adkaado xal u helidda qaddiyadda gobolka Ogadenya oo muddo badan soo jiitantay.

Haddaba waxaa jirey inay war baahinta caalamku si yaabo kala duwan uga hadleen arrintan iyagoo ka qoray maqaallo dhaadheer iyo faallooyin in taba, waxaana ugu danbeysey majalladda {THE TIME} la yidhaahdo oo mareykanka laga leeyahay taas oo ka qortay war bixin aad u dheer waana mada aan rabno inaanu soo turjunno inshaa allaah.

Waxey jariiraddu warkeda ku billowday "Haddey ku tala gasho JWXO inay laba jibaarto dagaalka ay kula jirto Ethiopia kadib fashilka ku yimid wada hadalkii uga socday Kenya labada dhinac waxaa xaqiiqo ah inay gobolka Geeska Afrika oo idil taasu saameyn ku yeelan doonto ethiopia -na ay qalalaaso hor leh gali doonto"

Qoraaga jariiradda ninka lagu magac aabo WILEAM LUED GORGE ayaa tilmaamay in ay sii yaraaneyso rajadii laga qabey in la soo afjaro mid ka mid ah dagaalkii ugu dheeraa ee soo maray Geeska Afrika kadib markey Ethiopia ka codsatay ONLF inay dastuurkeeda aqbasho ONLF-na taas iska diiday oo gaashaanka ku dhufatay.

Wargeyska ayaa hadalkiisa ku daray in aad looga cabsi qabo inay Ertarea ka faa ideysato jaaniskan taagan iyadoo saxiibadeda ku sugan Somaaliya iyo Ogaadenya taageero u fidisa si Ethiopia loogu dhibaateeyo

Jariiradda ayaa tidhi ONLF waxey ka dagaalantaa gobolka Ogadenia la yidhaahdo waxeyna u dagaalantaa in xornimadooda ay ka qaataan Ethiopia oo aaney diin iyo dhaqan midna wadaagin waa gobol Soomaaliya xuduud la leh waxaana daggan Soomaali dhamaanteed Muslim ah halka ay Ethiopia badankeedu masiixi tahay.

Inkastoo bey tidhi ay madaxda Jabhadda ee garabka siyaasadeed ay badankoodu daggan yihiin wadamada reer galbeedka hadana waxaa gudaha Ogaadeenya uga hawl gala jabhadooda dagaal yahaniin aad u badan iyo madax gudaha ka howl gala in taba waxeyna ciidamadoodu waa ONLF ,ee dagaal xoogan kula jiraan ciidamada Ethiopia. Waxeyna galaan kana soo baxaan gobolka iyagoo adeegsanaya taaktiikaad u qallafsan.

Marka laga yimaado waqtigii dheera ee bulshada reer Ogaadeenya la midab takoorayey hadda dadka gobolku waxey doonayaa xorriyad ee ma doonayaa xuquuq la siiyo. Abdirahman Sheik Mahdi wa aas aasayaashii Jabhadda iyo ssrgaalka calaaqaadka Arrimaha Dibadda u qaabilsan wuxuuna yidhi mar ay jariiraddu la hadashay "Dadkayagu waxey u nool yihiin sida adoomaha oo kale waxaana loo diiday wax walba oo xaquuqdiisa bini aadamnimo ka mid ah "

Khabiir ku xeel dheer arrimaha Ogaadeenya oo lagu magac aabo Tobias Hag Man ayaa sheegay inaanay jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya ONLF iyo Alshabaab waxuuna yidhi marka laga yimaado iskaashi ay yeeshaan waxaa jirey inay labadan urur dagaallo ku galeen gudaha gobolka Ogadenya waxaana lagu tilmaamaa inay ONLF tahay cidda kaliya ee tartanka kula jirta alshabaab dhinaca awooda iyo taageerayaasha gobolka waana tan kaliya ee u babac dhigi karta Alshabaab marka laga yimaado dowladaha.

Waxaa lagu sheegay qoraalka jariiradda inay kadib geeridi Malles Zanawe ay Ethiopia weyday hogaamin si dhab ah ONLF ula xaajoota lana gasha heshiis kama danbeys ah. Siyaasi ree Ethiopia ah oo la yidhaahdo Jowhar Mohamed ayaa yidhi xukuumadda Ethiopia wey ku kala qeybsan tahay wada hadalka iyo qaabka loola heshiin karo ONLF qeyb ayaa dooneysa in ONLF lala galo heshiis dhab ah halka qeybta kale ka soo horjeeddo in gabi ahaanba lala hadlo ONLF waxeyna u muuqataa buu yidhi inay xoog badan tahay qeybta diidan wada hadalka.

Waxaa lala hadlay qolyo isku sheegay inay yihiin aqoon yahanno ku sugan Addis Ababa oo qaarkood isku sheegay inay kamid yihiin mac,had cilmi baadhis lagu sameeyo waxaana wax laga weydiiyey siday wax u arkaan waxyaabihii ay sheegeen oo ahaa waxyaabo ka fog xaqiiqda iyo waaqica waxaa kamid ahaa inay ONLF taageero lacageed iyo mid militry-ba ka heli jirtay Qadaafi iyo Mubaarak oo ahaa madaxweynihii Masar iyo kii Liibya oo labaduba la ogaa halka ay ka taagnaayeen qadiyada Ogaadeenya.

Waxaase la isla qiray dadkii ka qeyb qaatay dooda iyo khubaradii kalaba inay ONLF tahay xoogaga ugu muhiimsan dhinaca nidaamka iyo dhinaca awooda ee ka jira Geeska Afrika waxeyna awood u leedahay inay daganaansho iyo qalalaaso kay doonto ka abuuri karto gobolka Geeska Afrika.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
Qorahay99@yahoo.com

 

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online