Nov 15, 2012 (QOL)
Maasha Allaah: Alleylehe, waa guul weyn mar hadii Kismaanyo
dadkii lahaa ay gacantooda ku jirto oo ay maanta ka arinsanayaan
sidii ay masiirkooda u maamulilahaayeena, una isticmalaan
khayraadkiisa, una sameeyaan maamul ay u dhanyihiin dhamaan
dadka meesha wada daga ayaga oo raacaya nidaamka u yaala
dawladda Soomaaliyeed kaas oo dhigaya sadexdii Gobal in
ay Maamul Goboleed samaysan karaan waa farxad weyn oo u
soo hoyotay dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel ay jogaanba.
Waxaad
ka hadashay arin aad u farxad badan miyaad iloowday Madaxweynaha
Soomaaliya in uu arintaas diidan yahay isaga oo aad uga
xun in Kismaanyo la xoreeyo, dadkii lahaana gacantooda soo
gasho. Miyaad wali maqashay Madaxweynaha oo u hambalyaynayaa
guusha ay gaadheen dadkii Kismaanyo lahaa oo Xoreeyay, Miyaad
wali maqashay maamulkiina dhista sida Hiiraan lagu yidhi,
Uganda waxay ka xoraysay Muqdisho Al-shabab Kenyana waxay
ka xoraysay Kismanyo iswaydii maxay ku kala duwan yihiin
labada magaalo & labada ciidan maamul usamaynta gobalada
Jubooyinka & Gedo ma waxaa goáankoodu ka goáa
Muqdisho mise dadka gobaladaas dagan.
Ma is waydiisay maxay arinta Kismanyo uga hadlaysaa Jabuuti,
maxase Muqdisho uga naxday xoraynta Kismanyo ujeedadu waxaa
weeye anaa u soo socday oo rabay inan Uganda ku qabsado
ee maxaad idinku hortay u xorayseen sabab too ah anigu Uganda
ayaan wataa oon saaxiib la ahay laakiin Kenya adaa wato
sidaas darteed waa cadow mana rabo inay wadanka jookto inaysidaas
tahayna ogoow Uganda shala markuu watay Cabdullahi Yusuf
waxay ahayd cadaw soo duulay maantana waa nabad ilaaliyaal
sharaf leh.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com