Nov 15, 2012 (QOL)
Qormadeena Duljoogso ee Todobaadkan waxaynu ku eegaynaa
cinwaanka sare oo
Shacbka Magaalada Jigjiga oo ka cabanaya
ciidamada gumaysiga & kuwa dhididdhawrka u ah oo maalmahan
culays badan ku haya.
Magaalada
Jigjiga ayaa la sheegaya in ay ka socoto mawjad si fudud
isu badali karta, cabasho xoogan oo ka soo yeedhaysa shacabka
Soomaalida Ogaadeenya ee Magaalada Jigjiga ku dhaqan ayaa
muujinaysa diidmada shacabka & jujuubka ay gumaysiga
& adeegayaashiisu ku hayaan.
Shacabka
Jigjiga waxay aad uga cabanayaan culays faro badan oo ciidamada
gumaysiga & adeegeyaashoodu ay saarayaan iyadoo dhulka
Ogaadeenya guudahaan uu ku jiro xaalad gumaysi oo mudo dheer
ragaadisay ayay dadka Jigjiga ku dhaqani aad uga cabanayaan
in tan & geeridii Meles Zenawi ay gabagabo ku jiraan
laguna jujuubayo isu soo baxyo aan rabitaankooda ahayn,
sida ay dad shacab ah oo Jigjiga ku sugani Qorahay Media
u sheegeen waxaa dadka lagu qasbayaa in ay soo xaadiraan
shirarka khayaanada & hagardaamadooda lagu maleegayo.
"Subixii waxaan ku waa bariisanaa ciidamo guryaha
ku xeeran kuwaas oo anagoon diyaar garoobin nagu qasba in
aanu guryaha ka baxno una dareerno shirar aan wax dan ah
noogu jirin oo lagaga hadlayo waxyaalo xaqiiqadaka fog waxaana
markhaati nalooga dhigaa dhagarta naloo maleegayo"
sidaas waxaa yidhi Oday ka mid ah shacabka Jigjiga.
"Waxaanu iska noqonay magac u yaal sababtoo ah xadgudubyo
aanu aragno oo aanu kor taaganahay ayaa nalooga dhigaa wax
aan dhicin, mararka qaarkood waxaan u maleeyaa in aan filim
daawanayo waxaanan is arkaa anigoo mawjad hirar waaweyn
leh dhex mukhuuranaya mawjadaaas oo ay harqinayaan kuwa
shacabka ku dulnool ee u adeega taliska Itoobiya ee dhiig
miiradka ah waxaa kale oo aan la yaabaa kuwa ka imaanaya
meel ay xoriyad & dimuqriyadi ka jiraan ee marka ay
Jigjiga yimaadaan meelaha la geeyo meel aan ahayn aan booqan
karin hadana barwaqo ka sheekeeya" sidaasna waxaa yidhi
mid kamid ah dhalinyarada Jigjiga ku nool.
Shacabka Jigjiga oo u badan dad danyar ah oo xoogsada waxaa
lagu qasbaa kulamo & shirar is daba joog ah oo loogu
talo galay in camiroyinka laga duubo lagana sii daayo TV-ga
gumaysiga si indhaha caalmka loogu jao wareeriyo been aan
jirin oo loo tuso in uu shacabku isugu yimaado shirar &
isu soo baxyo gumaysiga lagu taageerayo.
Arintan borobagaandhada ah ee Itoobiya ay indhaha caalmka
ku jaho wareerinayso ayaa si rasmi ah u bilaabatay kadib
markii gumaysiga lagu eedeeyay cadaadiska bulshada rayidka
ah oo ay Hayádaha xuquuqda aadamaha u doodaa si adag
Itoobiya ugu dhaliileen waxayna Hayadahaasu sheegeen in
ciidamada Itoobiya ay si aan gabasho lahayn ugu xad gudbaan
dadka itaalka daran ee aan is difaaci karin.
Dadka Jigjiga ku dhaqan waxay sheegayaan in ay bilihii
u dambeeyay la kulmayeen cadaadis xoogan oo ka duwan kii
ay horey ula kulmi jireen kagana imanaya ciidamada gumaysiga
& kuwa dhidid dhawrka u ah waxayna sheegeen in uu cidhiidhi
galay qutulyoomka dad badan oo xoogsato ahaa kuwaas oo halkii
ay suuqa uga xoogsi tagi lahaayeen lagu qasbayo in ay ka
qayb galaan shirar & isu soo baxyo dadka shacabka ah
lagu jujuubayo laguna ciqaabayo hadii aysan awaamiirta askarta
gumaysiga fulinin.
Waxaa si aad ah loo handadaa Odayaasha, dhalinyarada &
haweenka waxaana loogu hanjabaa hadii aysan hadba meesha
looga yeedho soo xaadirin in ay la kulmayaan cawaaqib xumo
aysan ka soo waaqsanin, Jigjiga waxay noqotay goob laga
xayaysiiyo nolol dhoodhoob ah oo aan jirin waxayna aad uga
muuqataa shaashadaha layska arko waxaase qarsoon xaqiiqada
& oohinta aan kala joogsiga lahayn ee ka soo yeedhaysa
dadka aan waxaba galabsanin ee sida bahalnimada ah Jeelasha
loogu bahdilayo sidaas waxaa tidhi mid ka mid ah haweenka
Jigjiga ku sugan oo dhawaan Jeel Ogaadeen ka soo baxaday.
Ugu dambayntii wiil dhalin yaro ah oo ka mid ah shacabka
Jigjiga ee cabashada muujinaya ayaa isagoo dareenkiisa si
xeel dheer ucabiraya wuxuu yidhi shacabka guud ahaan Ogaadeenya
ku nool waxay ku jiraan iil madow oo aan cidi arag waxaana
ku dul nool koox aan iimaan lahayn oo gumaysiga u hogaansantay
kuwaas oo quluubtoodu ay doorsoontay.
Lasoco qaybaha dambe qormadeena
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com