Nov 16, 2012 (QOL) Erayga
Cinwanka u ah qoraalkan oo micne weyn samaynaya wuxuu ka
turjumaya dareenka dhabta ah ee shacabka Soomaalida Ogaadeenya
gaar ahaan shacabka Magalada Jigjiga ku dhaqan, waxaa eraygan
ku cataabaysa hooyo ka mid hooyooninka Soomaalida Ogaadeenya
ee dhibaatooyinka faraha badan gumaysiga kala kulmay oo
dareenkeeda la wadaagtay Hawlaweenada Qorahay Media ee Ogaadeenya
ku sugan.
Hooyadani
waxay soo qaadanaysaa dhacdooyin faro badan oo aad u xanuun
badan kuwaas oo ay goob joog ahayd dhamaantoodna shaqsiyadeeda
si toos ah & si dadban labadaba u saameeyay, hooyadani
waxay sheegtay in ay gumaysiga kala kulantay dhibaatooyin
kala duwan waxayna xustay in loogaystay jidh dil & falal
guracan oo ay kula keceen ciidamada nacabka ah ee gumaysiga
Itoobiya.
Hadaba aan idiin kala baxno hooyada dareenkeeda inala wadaagaysa
kana waramaysa dhacdooyinka ay la soo kulantay.
Waxaa in badan i danqanaya nabarada dhaawacoodu uusan iga
bogsanin ee cadowgu ii gaystay nabaradaasna waxaa ugu xanuun
badan kuwa qalbigaga iga gaadhay waayo waxaan marwalba soo
xusuustaa dhacdooyin & falal argagaxleh aad u foolxumaa
oo aan goob joog u ahaa kuwaas oo aanan xusuustooda kagudbi
karin inta aan noolahay.
Waxaa hortayda lagu dilay dad badan oo ehelkayga ah waxaana
xabsiyada maanta lagu jidh dilayaa qaar kale oo iyaguna
ehelkayga ah kuwaas oo aan wax dambi ah cidna ka galin,
waxaa si xushmad daro ah loola dhaqmaa wax garadkii umadan
wanaaga ku hogaaminayay, culimadii ayaa xaqii laga garba
duubay oo aan hadli karin xiligana loo maleegayaa shirqool
ladoonayo in ay diinta kaga been sheegaan.
Dhalinyaradii waxaa laga dhigay cadaysimo oo waxaa laga
muldhinayaa xishoodkii & dhaqankii gobanimada ku salaysnaa
waxaana ladooanyaa in ay ku milmaan umad aanaan wadaagin
dhaqan, diin, deegaan & af midna, gumaysiga Itoobiya
wuxuu iga oohiyay xiliyo faro badan oo noloshayda ka mid
ah waxaan dhaaxa laaldi waayay murugada & uurku taalada
uu u baday waxaa ii sii muuqda dad badan oo ehelkayga ka
mid ahaa oo habeen badoow sidii loola baxay aan raq &
ruux toona dib loo arag.
Waxaa godadka madow ee dadka lagu ciqaabo habeen walba
ka qaylinaya dad badan oo aan aad u jeclahay kuwaas oo ka
mid ah kumanaanka shacabka ah ee xaqdarada lagu xidhxidhay
Jeelashana sida bahalnimada ah loogu jidh dilayo, habeenkii
hurdo ma seexdo waxaanan dhagaystaa muusanawga dadka masaakiinta
ah ee Jeelasha Jigjiga lagu ciqaabayo waxaanan saqda dhexe
la fdhiistaa hoohin & baryo aan Allah dadkaas gargaar
ugu weydiiyo, indhahayga ilmadu kama qalasho oo waaba ii
oohin joogto ah.
Iyadoo sidaan sheegay ay dani iga oohisay ayay Itoobiya
oohintaydii u baahatay waxaana la igu jujuubay markii ugu
horeysay in aan indhihii qalali waayay ilmo qasab ah ka
keeno, geeridii Meles Zenawi ayay ahayd markii dhamaan shacuubta
kala duwan ee la gumaysto sidaqasabka ah lagaga oohiyay
dad badana lagu qasbay in ay u baroortaan cadowgoodii.
Waxay ahayd maalmihii iigu adkaa noloshayda waayo waxaan
u ooyay nin aan geeridiisa aad ugu farxay ayna ila gudboonayd
in aan salaatu shukri tukado, arinta yaabka igu noqotayna
waxay ahayd ruuxaygii marwalba qalbiga & indhahaba ka
ooyi jirtay maalmihii geerida malas dhibiq ilomo ah ayaan
iska waayay waanan ku dhici waayay in aan sida Amxaarda
indhaha Basbaas marsado markaas ayaan intaan kaligay isla
shawray waxaan naftayda weydiiyay meesha ay ilmadii iska
daadan jirtay u kacday, naftayda oo ka jawaabaysa su'aasha
aan weydiiyay ayaa iyadoo gumaysiga kalifaya u jawaabaysa
waxay la soo booday kalmadan "Ilmadii
aad in badan oo hore iga daadisay miyay kugu filaan weyday?"
Siday doontaba ha ahaatee maalmihii geeridii Meles waxaan
marnay hawl cidhiidhi badan lahayd oo gabagabo na galisay
taas oo aanan shaqsi ahaan filaynin waligay isma odhanin
oohintii ay Itoobiya qarinaysay ayay kaaga baahan doontaa
oo lagaa mudan doonaaa waanse arkay oo waxaan ooyay oohin
qasab ah.
La soco qaybaha dambe
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com