Ilmadii aad in badan oo hore iga daadisay miyay kugu filaan weyday? Q 2aad.

Nov 20, 2012 (QOL) Geeridii Zenawi oo aan markii aan maqlay Alle uga mahad celiyay dhinaca kalana waxaan ka maray dhibaato culus subaxyo badan ayaanu banaanka suudiga tubnayn iyadoo saraakiisha gumaysiga & kuwa u adeega ee aan iimaanka lahayn ay qasab nagaga dhigeen in aanu ilmo buur buuran sida roobka u hoorino.

Sidaan qoraalkii horeba ku sheegay ilmo ayaan maalmo idil iska keeni kari waayay wayan igu adkaatay in aan ooyo waxaanse kamida haa dadweyne jirabnaa oo todobaadyo idil kolba dhan loo didinayay, waxay maalinba si ahaataba waxaa la soo gaadhay waxshirlagu magacaabay balsesi dhab ah u muujinayay bahdilka umadan lagu samaynayo.

Goobtii uu shir ku sheegu ka dhacayay waxaa la isugu keenay dadweyne aad u tiro badan oo dhamaantood lagu qasbay in ay ooyaan si muuqaal looga duubo, dadka ooyaya oo aan anigu ka midahaa badankood waxay la ooyayeen duliga saaran & sida damiirkooda uu gumaysigu ugu ciyaarayo, waxaa goobtaas joogay dadweyne fara badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka kooban dadkaas waxaa ka midahaa kuwo awr kiraaleyaal ah oo aysan u muuqanin sida loo bahdilayo & duliga saaran toona.

Waxaa halmar oohintu isqabsatay kadib markii dadka la horkeenay wiilal yaryar oo habeenkii maalintaas ka horeeyay oo dhan la garaacayay sidoo kalena qaarkood la daroogeeyay oo maan dooriye la siiyay wiilashaas oo aan anigu qaar ka mid ah xabsiga maalmo ka hor ku booqday waxaa loo soo aqriyay qoraalo dhaadheer oo ay saraakiisha gumaysiga & damiirlaaweyaashu isla diyaariyeen waxayna wiilashaasu sheegteen wax uusan hortood adame galin oo dambi ah.

Hadalada wiilashu intii aysan bilaabanin ayaan anigu oohintiii aan geeridii Zenawi iska waayay godladay waxaanan bilaabay hiqle aan kontorooli kari waayay sababtuna waxay ahayd waxaan markaas fahmay ujeedada naloo soo uruuriyay in ay tahay in bahdil kama dambays ah nalagu sameeyo markaas ayay dad badan oo kalena igu dareen oohinta waxaanan u qaatay in ay ilamid yihiin, markaas malahayga saraakiisha dhar-cada ah ee goobta fadhiday way dareemeen in aysan hoohintani ahayn tii ay rabeen oo kali ah, waa markaas marka aan aad u miraaday uurkayguna uu igu lahaa amadshan maxaa ku keenay afkayguna uu dhawaaq dheer oo aan kala joojin waayay uu lalinayay.

Waa marka aan ogaaday in uu halgan adagi dhamaan shacabkan lagumaysto waajib ku yahay kol hadii ay si waadix ah noogu cadaatay in aanu gumaysigu waxaba xeerinaynin sida uu noo dulaysanayana uusan in yar oo caad ah saaraynin, waa markaas marka aan goáansaday in aan saxaafada la wadaago xaqiiada jirta waa markaas marka ay dad badani ku baraarugeen waxyaalo badan oo awal hore si kale bulshada loogu sheegi jiray, dadkii shirkaas maalinkaan inigu qalbi jabka u dhiman waayay joogay qaar ayaa rabi oofsaday oo aduunka maalinkaas ka tagay kuwaas oo geeridooda saabab looga dhigay dhiig madaxa kaga furmay kadib muraaro dilaacii maalinkaas goobtaas ka socday.

Waxaan filayaa in maanta lawada fahmay waxa Jigjiga ak socda waxaanan markaahti ka noqday filim nalaga duubayo oo aanu alifayaal, jilayaal & daawadayaalba ka nahay dushayadana lagu turjumayo waliba luuqadanada uun ku baxaya oo aanaan waxba ka odhan karin.

La soco qaybaha dambe

Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

 

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online