Dabiici iyo Dad samee haddii lagu sheego abtirka ama faracyada
masiibo u kala aflaaqayso, sida khubaradu tibaaxdo masiibada
Dabiiciga waxaa barro dheer tan Dad samee facmaalkeedu yahay.
Sida laga dheehan karo maatada Shirka Jigjiga saami uga
dhigay Bahdilaad, Baroorta, Is-ceebayn iyo Illin iska doon-doonka,
dacdarada dhafoorka maatadan ka muuqta waxay ku abtirsataa
masiibada dad samee lagu tilmaamo.
Haddiiba oohinta maatada qabatin ku noqdeen wuxuu mudanku
ahaa in Maroyo ilqabatin leh loo soo hagoogo sidii Dhaqanka
Xabshida ku banaanayd. Sadarka saxar la’aanta isu-togayse
wuxuu haatan noqday in Baroorta dhabta ah tahay “Mar
baan mudanta Ciida ah Cadow iga Mahoogiyo Murugadeed la
Ooyaa.”
Waa xigmad Rabbaani ah in uusan Aadame is quluub booqan
karin. Waxaan ogsoonahay inay ka dahsoon tahay jeelkaaga
waxa qalbigaaga dhex mulacyaynayaa si kasta oo aad isugu
dhawdihiin. Ficilkaaga ayaa wuxuuse yahay midka muujiya
jacayl iyo nacayb qaan-gaadh ah midka uurka kaagu la ceegaago.
Haddii marka in uu suurtagal noqon kari lahayd uurboqasho,
waxaa meel ool ah in uugaanka Baroorta Shirka Jigjiga ka
soo yeedhaysa ku wajahanaan lahayd culayska iyo cuqdada
gaamurtay ee Shacabka Ogaadeeniya u qabo Gumaysiga baday
siday u yaalaan haatan.
Taariikhdu waa Weel Qufulan:
Taariikhdu Waa weel Qufulan oon waxluminayn. Qarnigii tagay
Frantz Fanon oo u dhashay jasiirada Martinique ee Bariga
Badda Caribbean Sea wuxuu magac feedho weyn ku lahaa la
faltanka Gumaystaha Reer Europe. Frantz Fanon waxay taariikhdu
ka soo guurisay xigmad aan marnaba duug ka noqon meel kasta
oo Gumasyte ka jiro. Buugiisa caanka ee “Black skin,
White Masks” Fanon wuxuu si xeel dheer ugu darsay
Gumaysiga aafooyinka uu dhaxalsiiyo la Gumaystaha. Weedhan
hoos ku xusan waxay kamid tahay kalmadaha si gaar ah ugu
suntamay qalbigayga. Sidaan u maloweynahay na ereyadani
waxay saxar tirayaan hadafka shirka Jigjiga xanbaarsan yahay.
“I am talking about millions of men whom they have
knowingly instilled with fear and a complex of inferiority,
whom they have infused with despair and trained to tremble,
to kneel and behave like flunkeys”
Wuxuu yidhi; “Waxaan ka hadlayaa malaayiinta dadka
ah ee ay si la yaqaan loogu beeray Cabsida iyo Cuqdad-nafsiga,
Dadka ay gaadhsiiyeen heerka rajo-dhigista kuna tababareen
in ay gariiraan ama jarceeyaan, jilibkana dhigtaan una dhaqmaan
sidii Kabo-qaad oo kale.” Haddaba, Wakiilka Gumaystaha,
Cabdi Iley, hortiisa ilmada lagu daadinayo maaha oo kaliya
inay sabab u tahay Ciil-gaamurka Wadaniga dulman ku habsaday
balse waxaa midaas kaabe u ah Wadaniga oo Gumaystuhu barayo
sida uu dubaakhiisu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo
sida Gariir, Jarcayn iyo Kabo-qaadnimo.
Milicsi kale, wuxuu inoo sheegayaa in Qalbiga Baroortaha
iyo Ujeedka Gumaystuhu is maan dhaafsan yihiin “Maan
Baray iyo Maan Bilaal”. Gumaystuhu hadafkiisa wuxuu
ka dhex arkaa Baroorta iyo ilmada ka qubanaysa la Gumaystaha
halka Shacabka jujuuban u tahay fariin dhiilo xanbaarsan
oo ay u soo gudbinayaa inta ku sugan Teendhada banaankeeda.
Dabayaaqadii xornimadii koobnayd ee 1977 halyay Soomaaliyeed
oo aana magaciisa aqoon ayaa wuxuu curiyay Hees Wadani ah
oo Xasan Aadan codkeeda leeyahay. Heestaas oo loogu magacdaray
‘Maalmaha Qalooca’ bayd kamid ah ayaa wuxuu
ahaa:
“Maalmaha Qaloocaa haddii ay kaa Marooraan, waa Muraayad
waayuhu caashaqu ka muuqdee, mar baan sida Ma yeedhaan mudo
aamusaayo Isha mirig ka siiyaa, mar waxaan idhaahdaa siday
tahay mar curad Geel ilmihii mowdku kala tagay, maqaasarka
ciidaa yaa maali jirayee, Mar baan mowjadaha dheer maaxaa
dhexdoodo muuqayga la arkaa laakiinse aan maqanahay. Intaas
oo marxaladood anigoo ka soomaray, Ma huraan dhulkeeniyo
Manaxaanka cashaaqa ayaan maanta ka horow mahigaanku igu
dhicin.”
Teendho weyn oo Cabsi iyo hujuum ku camiran waxay hoy u
tahay indhawaalahan Dhalaan, Dhalinyaro, Duqay iyo Haween
lagu sheegay in ay ‘Asay’ ku hagoogan yihiin.
Oohinta Dhalaanka, goroska nin karmoodka iyo miyir daboolka
Duqaydu waxay ahaayeen dareenka guud ee camiray Teendhada
lagu xayndaabay dad laga soo ururiyay Tuullooyinka, Degmooyinka
iyo Gobolada Ogaadeeniya. Jadwalkii waxbarsho ee Ardayda
Jigjiga Health Science College, goobta Shirka, duruustii
maalinlaha u ahaaan jirtay waxaa badalay Oohinta iyo ilmada
ka qubanysa Haween iyo Dhalaan lagu qalabeeyay fikir Gumaysi.
Dhinaca kale, sida Masraxa Heesaha oo kale waxaa meel joog
sare leh fadhiya Cabdi Iley, gacanyaraha Gumaysiga, iyo
Abraham Wolde, Wakiilka Ciidanka Gumaysiga. Kasokow in ay
alifeyaal ka yihiin labadan danbiile, waxay u riyaaqsan
yihiin jabqada iyo dareenka guud ee madasha hadheeyay. Dabciga
aasaasiga ah ee lagu yaqaan Gumaystaha in kasta oo ay tahay
in uu baro qaabka uu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo
hadana waxay calaamadani u muuqataa bahdilaadii ugu guracnayd
ee indhawaale marag lagaga noqdo Gayiga Ogaadeeniya. Goobtan
ku camiran ilmada bari magayda maxaa lagu tilmaami karaa
oo aan ahayn Maalmahaas Qaloocan ee Abwaanku sifadooda sheegay!
Asxaabul Ukhduud iyo Jigjiga:
Qur’aanka Kariimka ah Rabi wuxuu inoogu sheegay Qiso
lamagacbaxday “Asxaabul Ukhduud.” Aadamigu markuu
kibro waxaa caado u noqota in uu ku raaxaysto ‘Ciqaabta
dhigiisa’. Qisada Asxaabul Ukhduud Rabi SWT wuxuu
inoogu sheegay qaabkii loo ciqaabay dadkii rumeeyay. Sugitaanka
jiritaanka Eebbe iyo iimaankii toolmoon ee degay quluubta
Asxaabul Ukhduud wuxuu keenay in ‘Ciqaab-wadareed’
lamariyo Asxaabul Ukhduud. Gabood falayaashii waxay dubaakhooda
ka heleen inay Goob joog u noqdaan qaabka Jidhka Aadamuhu
u gubto ama u kudh-kudhleeyo kadib marka dhamac Geed-miici
ah lagu kilkiliyo. Haddii Reer Asxaabul Ukhduud dhamac lagu
kilkilinayo goob joog ay u ahaayeen kuwii gaystay gabood
falkaas arxan-darada ku dhisnaa, Cabdi Iley iyo Abraham
Wolde miyaysan ilmada iyo bulhaanta xanuunka badan ee ka
soo yeedhaysa Jigjiga ee ay goob joogeyaalka u yihiin saawaynin
Asxaabul Ukhduud!!!.
Cabdi Iley iyo Abraham Wolde waxay dubaakhooda ka heleen
in ay raaxo ka baadi goobaan qaabka ay jecel yihiin in ay
Shacabka Ogaadeeniya u jarceeyo markuu goob kula kulmo Gumaysiga
iyo wakiiladiisa. Sidii Masrax ciyaareed oo barbaar badan
camirtay haddiiba Iley iyo Wolde ugu raaxaysanayaa daawashada
Caruurta iyo Ciroolaha macluumaadsan, maxay dooriyaan hadayna
barro dheerayn kuwii soomaleegay fikirka lagu Ciqaabay Asxaabul
ukhduud.
Hadafka Shirka:
Inkasta oo uusan muhmal saarayn damaca Gumaystuhu ka leeyahay
shirkan, siiqada uu ku socdo ayaa waxay burisay hadafkii
wax khaldida ku dhisnaa ee asalka u ahaa. Abwaan Dhoodaan
xigmad laga dhexlay ayaa waxaan isleeyahay waxay ku haboontahay
in lagu sifeeyo waxa madasha ka socda.
“Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay,
Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane Dab iyo
qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye.”
Si kasta oo uu tuur iyo golxo isagu yeelo Gumayste waa
Gumayste inaba wax dhalan doorsoon ah kuma yimaado. Sidaas
si lamid ah hadafka Gumaystaha iyo xeeladaha hadba uu isku
dayo si dantiisa u sii tamariso wax is-dhalan rog ah kuma
yimaado waana kuwo si dhibyar caqliga fayow u fahmi karo
dulucda uu ka leeyahay.
Xabsi Hawo u Furan:
Xabsi weyn oo hawda u furan haddiiba lagu sifayeey Gaza
oo Saxaafada Caalamigu la dhextaagan tahay kamaradahooda,
waxaa iswaydiin leh Jigjiga iyo dhaman Ogaadeeeniya tilmaanta
ay gaarka u yeelan karto!!!. Aqal madow, maya Aqal waa gudo
yar yahay hadaba Jeel tigtigan misna Halaqyo galeen ah,
maya nuxurku intaas ka gudo weyn. Naftaydu garan wayday
waxay ku misaasho gayigeena markaan barbar dhigay Gaza da
ku tilmaaman in ay tahay Jeel weyn oo hawada u furan. Gaza
waxay ugu tilmaanatay sidan kadib markii laga go’doomiyay
Dunida inteeda kale sida Badda, Barriga iyo Hawada oo ka
awdan Dunida inteeda kale. Shuruudaha Gaza loogu xulay “Xabsi
Hawada u furan” miyaysan kuu muuqan in Ogaadeeniya
ka sii mudan tahay!!!. Iga danbeeye aan u daayo in uu u
magacbixiyo.
Xayndaabka weyn ee uu Ogaadeeniya ku xeeran Gumaystuhu
waxay marka marag u tahay sida Shirka Jigjiga ugu sifoobayo
Miyir-daboolanka muquunsan ee Duqayda jujuuban hadheeyay
illaa markii la isugu keenay madashan. Abwaan Maxamuud C/llaahi
Ciise (Singub) isaga oo Afrika guubaabinaya wakhtigii Gobanimodoonka
Wadamada Qaarada badankeedu ahaa wuxuu yidhi;
“Madaxdii Afrikaay, Mabda'a gumeysigu Magacood be'
wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo Adigu gawrac ii mari,
Dhiiggana aan muudsado.”
Haddaba, gundhaca maqaalku waxay tahay “Kala garo
Sir iyo Caad Wadanigaa sugnaadow, Soortaadoo nin kale Cuno
silic weeye noloshuye, Sahankaa Gumaysigu Sanbada aan goynee
Seefaha inoo Gura, sidan saaka joogtaa silic weeye noloshuye
saaxiibkaa rumaadow suurtuna ha yeedhee, sabo lagu nagaadiyo
seexashaba ma joogtee Seefaha inoo Gura”!!!.
Ugu danbayntii, qofna qalin kuma sookoobi karo ujeedkiisa.
Hase ahaatee, Shirka Jigjiga kasocda waxaa hubaal ah in
uu yahay mid ku dhisan xeelad Gumaysi oo ku salaysan “aan
quuto idinkoo daaduun ah” bahdilaad iyo karaamo la’aan
ku noolow abidkaa.
W/Q: Bashiir Yuusuf