Shirka Jigjiga: Miyir-daboolanka muquunsan

Mar baan Mudanta Ciida ah Cadowga iga Mahoogigayoo Murugadeeda Ooyaa. Baydkan gaaban waxaan ka soo ergistay Hees Wadani ah oo uu leeyahay fanaanka Xasan Aadan Samatar. Waxaase igu adkaatay in aan helo Abwaankii curinteeda asalka u lahaa. Hase ahaatee, Taariikhda Heesta iyo xigmada guunka ah ee ay xanbaarsan tahay labaduba waxay dabool lingax madoon u yihiin Shacabka ku jujuuban Shirka ka socda Magaalada Jigjiga.

Akhriste maqaalkan waxaa igu dhaliyay in aan qoro kadib markii aan dheehday muuqaal laga soo duubay dad Shacab ah oo la isugu keenay Magaalada Jigjiga. Dareen kulul ayaa i saaqay haddiiba aan wax kamid ah Muuqaalkaas indhaha la haleelay waxaana horay u boobay Qalinka si aan isaga dhimo cadhada ila soo daristay.

Waxaa isu kay dabooli waayay Baroorta iyo dayaca ka muuqda dadka. Markay Geeri ku timaado, waxaa Dhaqan u ah Xabashida in la soo kireeyo qof xirfadiisu tahay in uu ka baroorto hadba Gurigii Geeri timaado. Kasokow in aan dareenkaas horay u qabay, waxaa dhinca kale durbadiiba igu soo deg degtay xigmad Soomaaliyeed oo ahayd “Baroortu Orgigaga ka weyn.” Mar uu kala qaybiyo ama Qoys walaala ah utun xinjiro fajaas faafreeb ah dhex-dhigo amase uu maleego dabar go’a walaalaha daris wadaaga ah ha joogtee, beer dabac iyo lexejeclo uu u hayo Gumasytuhu Shacbiga Ogaadeeniya miyeysan u dhigmin lexejeclada Bisad u hayso Kaluun deexsi ku yimid xeebta badda!. Ramaa Rasuul se malaga arkay abidkii?

Gabayaa Soomaaliyeed oo aanan aqoon Magaciisa iyo in uu noolyahay ayaa waxaa kamid ahaa Gabaygiisa;

  • - Lacagtaan Maqdarad geynayee, Magac ku Doonaayo
  • - Alla magane maan Hooyaday, Maro u soo siiyo.

Dabiici iyo Dad samee haddii lagu sheego abtirka ama faracyada masiibo u kala aflaaqayso, sida khubaradu tibaaxdo masiibada Dabiiciga waxaa barro dheer tan Dad samee facmaalkeedu yahay. Sida laga dheehan karo maatada Shirka Jigjiga saami uga dhigay Bahdilaad, Baroorta, Is-ceebayn iyo Illin iska doon-doonka, dacdarada dhafoorka maatadan ka muuqta waxay ku abtirsataa masiibada dad samee lagu tilmaamo.

Haddiiba oohinta maatada qabatin ku noqdeen wuxuu mudanku ahaa in Maroyo ilqabatin leh loo soo hagoogo sidii Dhaqanka Xabshida ku banaanayd. Sadarka saxar la’aanta isu-togayse wuxuu haatan noqday in Baroorta dhabta ah tahay “Mar baan mudanta Ciida ah Cadow iga Mahoogiyo Murugadeed la Ooyaa.”

Waa xigmad Rabbaani ah in uusan Aadame is quluub booqan karin. Waxaan ogsoonahay inay ka dahsoon tahay jeelkaaga waxa qalbigaaga dhex mulacyaynayaa si kasta oo aad isugu dhawdihiin. Ficilkaaga ayaa wuxuuse yahay midka muujiya jacayl iyo nacayb qaan-gaadh ah midka uurka kaagu la ceegaago. Haddii marka in uu suurtagal noqon kari lahayd uurboqasho, waxaa meel ool ah in uugaanka Baroorta Shirka Jigjiga ka soo yeedhaysa ku wajahanaan lahayd culayska iyo cuqdada gaamurtay ee Shacabka Ogaadeeniya u qabo Gumaysiga baday siday u yaalaan haatan.

Taariikhdu waa Weel Qufulan:

Taariikhdu Waa weel Qufulan oon waxluminayn. Qarnigii tagay Frantz Fanon oo u dhashay jasiirada Martinique ee Bariga Badda Caribbean Sea wuxuu magac feedho weyn ku lahaa la faltanka Gumaystaha Reer Europe. Frantz Fanon waxay taariikhdu ka soo guurisay xigmad aan marnaba duug ka noqon meel kasta oo Gumasyte ka jiro. Buugiisa caanka ee “Black skin, White Masks” Fanon wuxuu si xeel dheer ugu darsay Gumaysiga aafooyinka uu dhaxalsiiyo la Gumaystaha. Weedhan hoos ku xusan waxay kamid tahay kalmadaha si gaar ah ugu suntamay qalbigayga. Sidaan u maloweynahay na ereyadani waxay saxar tirayaan hadafka shirka Jigjiga xanbaarsan yahay.

“I am talking about millions of men whom they have knowingly instilled with fear and a complex of inferiority, whom they have infused with despair and trained to tremble, to kneel and behave like flunkeys”

Wuxuu yidhi; “Waxaan ka hadlayaa malaayiinta dadka ah ee ay si la yaqaan loogu beeray Cabsida iyo Cuqdad-nafsiga, Dadka ay gaadhsiiyeen heerka rajo-dhigista kuna tababareen in ay gariiraan ama jarceeyaan, jilibkana dhigtaan una dhaqmaan sidii Kabo-qaad oo kale.” Haddaba, Wakiilka Gumaystaha, Cabdi Iley, hortiisa ilmada lagu daadinayo maaha oo kaliya inay sabab u tahay Ciil-gaamurka Wadaniga dulman ku habsaday balse waxaa midaas kaabe u ah Wadaniga oo Gumaystuhu barayo sida uu dubaakhiisu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo sida Gariir, Jarcayn iyo Kabo-qaadnimo.

Milicsi kale, wuxuu inoo sheegayaa in Qalbiga Baroortaha iyo Ujeedka Gumaystuhu is maan dhaafsan yihiin “Maan Baray iyo Maan Bilaal”. Gumaystuhu hadafkiisa wuxuu ka dhex arkaa Baroorta iyo ilmada ka qubanaysa la Gumaystaha halka Shacabka jujuuban u tahay fariin dhiilo xanbaarsan oo ay u soo gudbinayaa inta ku sugan Teendhada banaankeeda.

Dabayaaqadii xornimadii koobnayd ee 1977 halyay Soomaaliyeed oo aana magaciisa aqoon ayaa wuxuu curiyay Hees Wadani ah oo Xasan Aadan codkeeda leeyahay. Heestaas oo loogu magacdaray ‘Maalmaha Qalooca’ bayd kamid ah ayaa wuxuu ahaa:

“Maalmaha Qaloocaa haddii ay kaa Marooraan, waa Muraayad waayuhu caashaqu ka muuqdee, mar baan sida Ma yeedhaan mudo aamusaayo Isha mirig ka siiyaa, mar waxaan idhaahdaa siday tahay mar curad Geel ilmihii mowdku kala tagay, maqaasarka ciidaa yaa maali jirayee, Mar baan mowjadaha dheer maaxaa dhexdoodo muuqayga la arkaa laakiinse aan maqanahay. Intaas oo marxaladood anigoo ka soomaray, Ma huraan dhulkeeniyo Manaxaanka cashaaqa ayaan maanta ka horow mahigaanku igu dhicin.”

Teendho weyn oo Cabsi iyo hujuum ku camiran waxay hoy u tahay indhawaalahan Dhalaan, Dhalinyaro, Duqay iyo Haween lagu sheegay in ay ‘Asay’ ku hagoogan yihiin. Oohinta Dhalaanka, goroska nin karmoodka iyo miyir daboolka Duqaydu waxay ahaayeen dareenka guud ee camiray Teendhada lagu xayndaabay dad laga soo ururiyay Tuullooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada Ogaadeeniya. Jadwalkii waxbarsho ee Ardayda Jigjiga Health Science College, goobta Shirka, duruustii maalinlaha u ahaaan jirtay waxaa badalay Oohinta iyo ilmada ka qubanysa Haween iyo Dhalaan lagu qalabeeyay fikir Gumaysi.

Dhinaca kale, sida Masraxa Heesaha oo kale waxaa meel joog sare leh fadhiya Cabdi Iley, gacanyaraha Gumaysiga, iyo Abraham Wolde, Wakiilka Ciidanka Gumaysiga. Kasokow in ay alifeyaal ka yihiin labadan danbiile, waxay u riyaaqsan yihiin jabqada iyo dareenka guud ee madasha hadheeyay. Dabciga aasaasiga ah ee lagu yaqaan Gumaystaha in kasta oo ay tahay in uu baro qaabka uu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo hadana waxay calaamadani u muuqataa bahdilaadii ugu guracnayd ee indhawaale marag lagaga noqdo Gayiga Ogaadeeniya. Goobtan ku camiran ilmada bari magayda maxaa lagu tilmaami karaa oo aan ahayn Maalmahaas Qaloocan ee Abwaanku sifadooda sheegay!

Asxaabul Ukhduud iyo Jigjiga:

Qur’aanka Kariimka ah Rabi wuxuu inoogu sheegay Qiso lamagacbaxday “Asxaabul Ukhduud.” Aadamigu markuu kibro waxaa caado u noqota in uu ku raaxaysto ‘Ciqaabta dhigiisa’. Qisada Asxaabul Ukhduud Rabi SWT wuxuu inoogu sheegay qaabkii loo ciqaabay dadkii rumeeyay. Sugitaanka jiritaanka Eebbe iyo iimaankii toolmoon ee degay quluubta Asxaabul Ukhduud wuxuu keenay in ‘Ciqaab-wadareed’ lamariyo Asxaabul Ukhduud. Gabood falayaashii waxay dubaakhooda ka heleen inay Goob joog u noqdaan qaabka Jidhka Aadamuhu u gubto ama u kudh-kudhleeyo kadib marka dhamac Geed-miici ah lagu kilkiliyo. Haddii Reer Asxaabul Ukhduud dhamac lagu kilkilinayo goob joog ay u ahaayeen kuwii gaystay gabood falkaas arxan-darada ku dhisnaa, Cabdi Iley iyo Abraham Wolde miyaysan ilmada iyo bulhaanta xanuunka badan ee ka soo yeedhaysa Jigjiga ee ay goob joogeyaalka u yihiin saawaynin Asxaabul Ukhduud!!!.

Cabdi Iley iyo Abraham Wolde waxay dubaakhooda ka heleen in ay raaxo ka baadi goobaan qaabka ay jecel yihiin in ay Shacabka Ogaadeeniya u jarceeyo markuu goob kula kulmo Gumaysiga iyo wakiiladiisa. Sidii Masrax ciyaareed oo barbaar badan camirtay haddiiba Iley iyo Wolde ugu raaxaysanayaa daawashada Caruurta iyo Ciroolaha macluumaadsan, maxay dooriyaan hadayna barro dheerayn kuwii soomaleegay fikirka lagu Ciqaabay Asxaabul ukhduud.

Hadafka Shirka:

Inkasta oo uusan muhmal saarayn damaca Gumaystuhu ka leeyahay shirkan, siiqada uu ku socdo ayaa waxay burisay hadafkii wax khaldida ku dhisnaa ee asalka u ahaa. Abwaan Dhoodaan xigmad laga dhexlay ayaa waxaan isleeyahay waxay ku haboontahay in lagu sifeeyo waxa madasha ka socda.

“Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay, Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa'imaan garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye.”

Si kasta oo uu tuur iyo golxo isagu yeelo Gumayste waa Gumayste inaba wax dhalan doorsoon ah kuma yimaado. Sidaas si lamid ah hadafka Gumaystaha iyo xeeladaha hadba uu isku dayo si dantiisa u sii tamariso wax is-dhalan rog ah kuma yimaado waana kuwo si dhibyar caqliga fayow u fahmi karo dulucda uu ka leeyahay.

Xabsi Hawo u Furan:

Xabsi weyn oo hawda u furan haddiiba lagu sifayeey Gaza oo Saxaafada Caalamigu la dhextaagan tahay kamaradahooda, waxaa iswaydiin leh Jigjiga iyo dhaman Ogaadeeeniya tilmaanta ay gaarka u yeelan karto!!!. Aqal madow, maya Aqal waa gudo yar yahay hadaba Jeel tigtigan misna Halaqyo galeen ah, maya nuxurku intaas ka gudo weyn. Naftaydu garan wayday waxay ku misaasho gayigeena markaan barbar dhigay Gaza da ku tilmaaman in ay tahay Jeel weyn oo hawada u furan. Gaza waxay ugu tilmaanatay sidan kadib markii laga go’doomiyay Dunida inteeda kale sida Badda, Barriga iyo Hawada oo ka awdan Dunida inteeda kale. Shuruudaha Gaza loogu xulay “Xabsi Hawada u furan” miyaysan kuu muuqan in Ogaadeeniya ka sii mudan tahay!!!. Iga danbeeye aan u daayo in uu u magacbixiyo.

Xayndaabka weyn ee uu Ogaadeeniya ku xeeran Gumaystuhu waxay marka marag u tahay sida Shirka Jigjiga ugu sifoobayo Miyir-daboolanka muquunsan ee Duqayda jujuuban hadheeyay illaa markii la isugu keenay madashan. Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Singub) isaga oo Afrika guubaabinaya wakhtigii Gobanimodoonka Wadamada Qaarada badankeedu ahaa wuxuu yidhi;

“Madaxdii Afrikaay, Mabda'a gumeysigu Magacood be' wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo Adigu gawrac ii mari, Dhiiggana aan muudsado.”

Haddaba, gundhaca maqaalku waxay tahay “Kala garo Sir iyo Caad Wadanigaa sugnaadow, Soortaadoo nin kale Cuno silic weeye noloshuye, Sahankaa Gumaysigu Sanbada aan goynee Seefaha inoo Gura, sidan saaka joogtaa silic weeye noloshuye saaxiibkaa rumaadow suurtuna ha yeedhee, sabo lagu nagaadiyo seexashaba ma joogtee Seefaha inoo Gura”!!!.

Ugu danbayntii, qofna qalin kuma sookoobi karo ujeedkiisa. Hase ahaatee, Shirka Jigjiga kasocda waxaa hubaal ah in uu yahay mid ku dhisan xeelad Gumaysi oo ku salaysan “aan quuto idinkoo daaduun ah” bahdilaad iyo karaamo la’aan ku noolow abidkaa.

W/Q: Bashiir Yuusuf

 

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online