Shirkii Jigjiga ee ay iska kaashadeen Doollaal, Ibrahim Dheere & Ina Iley oo ceeb ku dambeeyay.

Nov 21, 2012 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya Magaaladda JigJiga ayaa sheegayay dhibaato badan oo ay dadka shacabka ah dareemayaan taas oo isugu jirta cabsi & argagax kadib markii maalmihii ugu dambeeyay Magaaladaas ka socday wax ay ugu yedheen, shir kaas oo dadka lagu qasbayay in ay yimadaan sida Odayaasha, Hooyooyinka, Dhalinta, & dad Culimo ah oo dhamaantood loo sheegay in ay goobta shirka yimadaan.

Shirka oo socday mudo Isbuuc ah ayaa ujeedooyinkii ugu weynaa ee laga lahaa waxay ahaayeen in dadka loo dhigo Filim taas oo ay matalayeen 3 nin oo midwalba ujeedo gaar ah leeyahay. Ibrahaim Dheere, Doollaal Adan Dhagoole & Ina Iley dhamaantoodna waxay ka sinayaan in ay dadka ciqabaan oo Caruur yar-yar oo sabi ah loo dhiibay Makarafoono, halka dad badan oo xabsiga Jeel Ogaden ku jiray cashiro loo dhigay oo qaarna lagu qasbay in ay dhahaan wax aynan shaqo ku lahayn kuwo uu Ina Iley dhibaato u gaystay horaana laga dhigay in ay ONLF ka dambaysay.

Shirkan oo ahaa mid dhamaan dadkii goota joogay ku noqday dhakafaar & anfariir markii wax dhaqanka & Asluunta ka fog laga yeedhsiiyay dad aan shuqul ku lahayn oo sheegay wax yaabo faaxisho ah oo diinta Islaamka dhaqanka suuban ee Soomaalida Ogaadeenyaba ka fog, dadkan faaxishada in ay qirtaa lagu qasbay ayaa sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan waxaa qaarkood loo balan qaaday lacag hadii ay sidaas ku dhawaaqaan.

Dadkii xabsiyada laga soo saarayna loo sheegay in lasiidaynayo sida Jamiil Muxumed Gaas oo qirtay in uu dhibkan oo dhan isagu ka dambeyay kadib markii uu ku fashilmay Hogaankii Amni ku sheega ee uu mar hor joogaha kaahaa kaas oo uu sheegay in ay heshiis ahaayeen isaga & ONLF dhanka kalena la soo fadhiisiyay Daahir Barayfad oo ahaa nin u galay Itoobiya isaga oo makhraati u noqday Jamiil oo sheegay in ay heshiis ku ahaayeen arimahaas oo dhamaantood been ladhoodhoobay ah.

Warbaahinta Qorahay Media ayaa dabagal ku samaysay ujeedad shirkan & sababta loo qabtay ee xiligan ku soo aadiyay taas oo maal-mihii u dambeeyay aan baadhayna waxaana soo xaqiijinay arimahan.

Shirkan yaa sababtiisa lahaa.

Shirkan waxaa iska lahaa sababtiisa Ibrahim Dheere oo maalintii Ciidii Ina Iley ka codsaday in uu shir qabto isaga oo Ina Iley markaas ku sugnaa Dubai, waxaana qorshahaas ku sii dhiiri galiyay Doollaal Aadan Dhagoole oo ganacsi ka dhexeeyo isaga & Ina Iley, kadib wuxuu Ina Iley qorsheeyay in shirkaas la qabto Ibarhin Dheerana uu kamid ahaado dadka goobjooga ka ah sida Ibrahim Dheere hadlkiisa ku cadaa mar uu ka hadlayay arimaha shirka.

Ugu dambantii shirkan ayaa ujeedadii laga lahaa si ka duwan u dhacay kadib markii ay dadkii shirka yimad arkeen Filimka loojilayo ama ayaga oo qaarkamid ah halkii ku fashilmeen oo qaabkii loogu sheegay in ay filimka u jilaan ka fashilantay kadib markii arintii loo rogay qaab qabiilo oo loo arkay in uu dhibkan dhanba wadaan sadexdaas nin ee aan kor ku soo xusnay.

Dadkii goobtaas joogay badankood ayaa si weyn uga cadhooday hadaladii ka soo yeedhayay qaar kamid ah dadkii shirka lagu casuumay ee gobalada ka kala yimid ayaga oo aan la'la qabadsiinin midkamid ahna uuba sheegay in ay dhibkan oo dhan sababtiisa leeyihiin maamul ku sheega ina Iley, Doollaal Adan Dhagoole ayaa ku cawday waan ceeboownay oo cid aan la murmi karo ma jirto waxaana wajigiisa laga dheehanayay cadho fog & tiiraanyo.

Waxaa si kama dabays ah loo xaqiiqsaday sida ay gacanyare yaasha gumaysigu ugu darbanyihiin karaamotirka & kalafogaynta shacabka Soomalaida Ogaadeenya waxaan isa soo taraya taageerida shacabka Ogaadeenya gudo & dibadba ay lagarab taaganyihiin halgankahubaysan ee CiiddaOgaadeenya gumaysiga Abasiiniya lagaga xoreynayo, shacabka geesiga ah ee Soomaalida Ogaadeenya waxay xaqiiqsadeen dhibka aygumaysiga & gacanyareyaashiisu ku hayaan umadda Ogaadeenya ka xoroobid mooyee xalkale in aysan lahayn.

Sikastaba ha ahaatee falalka gumaysiga ee shacabka Soomalida Ogaadeenya lagu hayo waa kuwo aan la soo koobi karin waxaana banaanka u soo baxay wax badan oo la dadi jiray oo ay ka mid tahay anshax xumada maalmihii u damabysay laga baahinayay TV-ga afka Itooba ku hadla ee ESTV & Universal kuwaas oo laga baahinayay handadaad & ciqaaba joogta ah ee maalin walbana shacabka loo gaysto oo hadda ka hor la dabooli jiray maantase Rabbi fashiliyay kadib markii ay guul daroku dhamaadeen qorsheyawgii Ina Iley loo dhiibay.

Arimaha Jigjiga ka socda & guud ahaan xaaladaha kala duwan ee Ogaadeenya wixii ka soo kordha wararka dambe kaga bogo.

Darwiish
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online