Nov 23, 2012 (QOL)
Iyadoo la wada ogyahay in maalmo ka hor uu ku soo gaba gaboobay
magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah Maamulka Cabdi Ubbo
ee uu cadowgu ku adeegto wax ay ugu magac dareen shir balse
xaqiiqdii ahaa shirqool loo dhigay odayaal iyo dad masaakiin
ah oo laga kala keenay daafaha Ogaadeenya ayaa waxaa aad
aduunku ula fajacay beenta iyo indha adeygga gumeysiga Ethiopia
iyo sida uu u haysto dad uu u carbistay sida ayga loo carbiyo
oo kale iyo dhaga nugeylka dadkaas oo aaminay inaaney abid
gumeysi ka bixi doonin halka uu gumeysigu gaadhsiiyey darteed.
Waxaan
haddaba go,aansannay haddaan nahay bahda qorahay media inaan
xasuusinno kooxdan iyo kuwa ku mabd,a ahba in caalamku ogyahay
waxa ka jira Ogaadeenya iyo cidda geysatay labadaba waxaan
haddaba halkan ku soo qaadan doonnaa waxyaabihii uu caalamku
ka yidhi gubitaanka iyo xasuuqa ka jiray ogaadeenya iyo
waliba waxyaabaha loo soo daliishaday inay xabashidu ka
mas,uul tahay wixii halkaas ka dhacay ee hoog iyo halaagba
ahaa
Waxaa xussid mudan in waxyaabaha aanu soo qaadaneyno lagu
sawiray dayax gacmeed isla marki ay dhacayeen qaar kamid
ah waxyaabahaas waxaa ka mid ah xad gudubyo isugu jira gubitaan
magaalooyin iyo tuulooyin intaba waxaa goor sii horeysey
wax ka qoray arrrintan qoraa reer mareykan ah oo la yidhaahdo
TOM MAWTEN kaas oo wax ku qora bogga la yidhaahdo CAUNTER
BUNTCH
wuxuuna yidhi sidan "waxaa gabi ahaanba laga jaray
dadka ku noolOgaadeenya deeqihii macaawinada ahaa ee ay
siin jireen hay,adaha caalamka iyadoo loo leexiyey deeqahaas
dhinaca ciidamadaethiopia iyo dadka ayaga la shaqeeya ee
dagaanka u dhashay iyadoo la marayo xilligii ay abaartu
ugu darneyd Geeska Afrika oo uu ku yaallo Ogaadeenya.
Waxeyna ETHIOPIANKU u adeegsadaanbuu yidhi deeqahan inay
ku sii ballaadhiyaan gabood fallada ay ku hayaan dadka dagaanka
ee rayadka ah waxaana halkaas ka taagan fowdo iyo dil baahsan
oo ay wadaan ciidamada ethiopia xilli aney gali karin dagaanka
hay,adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa daneeya daryeelka dhibanayaasha
sida ICRC iyo MSF, hadaba waxaa is weydiin leh ninka ogaaday
ama aaney ka qarsooneyn kiish qamaddi ah oo ay ethiopia
xadday ma waxaa ka qarsoomaya magaalooyin ay gubtay?!!!!!!!!!
Qoraaga ayaa intaas raaciyey xadgudubyada iyo xasuuqa halkaas
ka dhacaya waa kuwa aaney cidi duubin cidina war ka heynin
qoraaga ayaa sidoo kale dhalliil u soo jeediyey warbaahinta
ree galbeedka oo uu yidhi marka laga yimaaddo inay reer
galbeedku iyaga taageeraan nidaamka ka jira ethiopia ee
falalka ceynkan ah ku kacaya oo aaney jirin cid qudha oo
ka hadleysa ayaa haddana waxaa jira saxaafadda reer galbeedka
oo iyana indhaha ka qabsatay waxa ka soconaya dhulka Ogaadeenya
waxeyna had iyo gooraale ku dhawaaqayaan Daarfuur waxa ka
dhacaya iyo hal ku dhagga ah (daarfuur badbaadiya) waxaana
marag ma doon ah in Ogaadeenya ka dhib badan tahay.
Daar fuur anigoon marnaba xaqiraad ku sameyneyn dadka
ku dhibaatoobay waqooyiga sudan oo lagu qiyaasay tobanaan
kun oo qof hadana waxaa la hubaa inay aad uga badan tahay
ummadda ku waxyeelowday dhibaatada ay ethiopia ka geysatay
gobolka ogaden waxaana halkoodii wali ka sii socda gumaadkii
iyo xasuuqii lagu hayey dadka gobalkaas daggan ururada xuquuqul
insaanka oo Jeneva ka soo saaray war bixintoodii sannad
laha aheyd ayaa ka digay inay ka sii dareyso xaaladahadhibaato
ee caruurta iyo dumarka gobolka ogaden iyagoo yidhi waxaa
sii laba jibaarmay kufsigii iyo xadguduyadii kale ee ay
geysanayeen ciidamada ethiopia iyagoo soo ban dhigay sawirro
lagu qaaday dayax gacmeedka oo muujinaya ciidamada oo geysanaya
dhibaatooyin indha xumo ka muuqato
Warbixinta ururka xuquuqul insaanka ayaa lagu sheegay inay
ciidamada ethiopia iyo maleyshiyada liyuu bolice geysteen
in ka badan (2256) dhacdo oo kufsi ah oo ay geysteen muddo
sannad gudihii oo qudha ku siman iyadoo ay aad usoo badatay
dumarka uurka ceynkaas ah qaaday iyo waliba qaar laga helay
cudurro khatar ah sida HIV AIDS, meelaha sida aadka ah loogu
sheegay warbixinta ee laga geystey kufsiga arxan la aanta
ah waxaa kamid ah xabsiga jeel ogaadeen oo lagu sheegay
inuu yahay abuu qureybta Africa,
Abuu Qureyb waa xabsi ku yaalla wadanka ciraaq waxaana
lagu xasuustaa muuqaallo fasas xumo ahaa oo laga duubay
maxaabiista ku jirta gudihiisa iyagoo qaaqaawan rag iyo
dumar sidaasna waxa uu ku noqday xabsiga loo soo qaato dhacdooyinka
ugu xun xun ee ka dhaca caalamka iyo jeelasha sida jeel
ogaadeen oo kale ah, wargeysada mareykanka ayaa intooda
badan siyaabo kala duwan uga hadlay.
Arrintan laakiin waxey isku raacsan yihiin inay ethiopia
tahay cidda waxan ka geysaneysa gobolka ogaden qaar kamid
ah ayaa soo qaatay sawirraan aad u foolxun oo laga soo qaaday
tuulooyin la gubayo iyo dil aan cidna loo aaba yeeleynin
oo ka dhacay ogadenya waxeyna sheegeen inay ethiopia ka
mas'uul tahay, sawirraantan ayaa daliil u noqday eedeymo
ay hay,adaha xuquuqul insaanka u soo jeedin jireen Ethiopia
oo ay ku sheegeen inay tobanaan kun oo muslimiinta ogadeenya
ah ay ethiopia ku xasuuqday gobolka ogadenya
BETER BOKABERT waa maamulaha xaaladaha dag daga ah ee ururka
xuquuqda aadanaha ee HUMAN RIGHTS WATCH wuxuuna yidhi ;in
kasta oo ay ethiopia mar walba beenisso war bixinahayaga
hadana beeninta ethiopia waxaa waxba kama jiraan ka dhigaya
muuqaalada sawir gacmeedyada oo ah daliil aan cidna ka doodi
karin oo muujinaya cidda dhibta mas,uulka ka ah"
LARS BROMLY waa agaasimaha mu,asasad la yidhaahdo (A A A
S) wuxuuna yidhi "waxaan xaqiijinnay sawiraan lagu
soo qaaday dayax gacmeed kuwaasoo muujinaya ama caddeynaya
sheegashadii ururada xuquuqda aadanaha ee ahaa inay ethiopia
gubtay magaalooyin iyo tuulooyin waxaaney muuqaalladan caddeynayaan
ciidamada ethiopia oo dab sudhay sideed goobood oo ku kala
yaalla gobollada dhagaxbuur wardheer iyo qabridahar waxaanuna
xaqiijinnay inay yihiin ciidamada ethiopia kuwa dabkaas
ka danbeeyey
Si kastaba ha ahaatee waxaad moodda inay Ethiopia tahay
neef gawracan geedo kama gudo oo ay isleedahay kolley ceebowdaye
cid galaafo waxaanuna soo ban dhigi doonnaa waxyaabaha caalamku
uu ogaaday sanooyinkii ugu dambeeyey ee ay Ethiopia ka gam,i
la,dahay
Daljir Keyd
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com