Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan oo sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii dilay Marxuum Nabad-doon Sh-Maxamed Xaaji Xuseen (Maryo-cadde)

Nov 28, 2012 (QOL) Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan oo galabta Saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Xafiiskiisa Magaalada Beled-wayne ee Xarunta Gobolkaasi Hiiraan ayaa waxa uu sheegay inay Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Beled-wayne gacanta kusoo dhigeen
gacan-kudhiiglahii Maanta dilka foosha xun ugaystay Alle ha unaxariistee Nabad-doon Sheikh Maxamed Xaaji Xuseen (Maryo-cadde) oo maalmo kahor uun loo doortay Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, hase yeeshee Maanta duhurkii lagu hor toogtay Dukaankiisa oo badhtamaha Magaalada Beled-wayne ku yaalay, isla markaasna uu goobtii ku nafbaxay.

Taliyaha Booliska ee Gobolka hiiraan ayaa xaqiijiyay inay Gacanta ku hayaan ninkii dilka nabad-doonka fuliyay, waxa uuna sheegay in xiligii uu gacan-kudhiiglahu dilka Marxuumka fulinayay uu Askari Ciidanka Booliska kamid ahi kusugnaa meel aan sidaas uga fogayn goobta nabad-doonka lagu toogtay, balse markii dhagarqabahu uu damcay inuu baxsado ay dabo-yaaceen Askarigii Booliska ahaa iyo dad kale oo shacabka Magaalada kamid ah, illaa markii dambe uu arko inuusan baxsan haynin oo uu gudaha u galo guri xaafadeed oo koonaha Magaalada ku
yaala, halkaas oo ay Ciidamadu kasoo qabteen isaga iyo dad kale oo xaafadaas ku sugnaaba.

Ugu dambayntii Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ee gobolka hiiraan ayaa sicad Saxaafada ugu xaqiijiayay qabashada ninkan dilka ugaystey Alle naxariisii Janna ha kawaraabiyee Nabad-doon Sheekh Maxamed Xaaji
Xuseen (Maryo-cadde) habayaraatee wax shiki ahna aysan kaqabin in uu qofkii dilka fuliyay isaga ahaa, waxuuna intaas ku daray inay baadhitaano kuwadaan isaga iyo dad kale oo lala soo qabtayba kadibna
Maxkamad lasoo taagi doono xili ku haboon hadii Alle Idmo, waxuuna Taliyahu Tacsi u diray guud ahaan Bulshada gobolka hiiraan, gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuum Nabad-doon Sheekh
Maryo-cadde, isagana uu Alle qabriga u waasiciyo.

Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

 
   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online