Nov 28, 2012 (QOL) Kulankan
ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Wasaarada Arimaha dibada
ee dalka Kenya, waxaana markii ugu horeysay u kulamay wasiirka
cusub ee wasaarada arimaha dibada dalka Somaliya ahana Rasal-wasaare
ku xigeenka dawlada Soomaliya Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji
iyo dhigeeda dalka kenya Samson Ongera.

Marwo Fawsiyo Yusuf ayaa Kenya soo gaartay galabnimadii
shalay waxaana ay labada dhinac kulankooda maanta ku soo
qaadeen xiriirka labada wadan Soomaaliya iyo Kenya, Amaanka
guud ee labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga xiriirka
ganacsi iyo Amni, waxaana markii kulanka soo dhamaaday Saxaafada
la hadlay wasiirka arimaha dibada dalka Kenya Samson, Waxaana
sidoo kale uu soo qaaday arimaha adkeynta amaanka iyo sida
labada dawladood iskaga kaashan lahaayen.
Wasiirada Arimaha Dibada Soomaaliya Fawsiyo Xaaji Adan
ayaa sidoo kalana Kulan laqadatay Ra’iisal wasaraha
Dalka Kenya Raila Odinga, Kulankaasi oo ka Dhacay Xafiiska
Ra’iisal wasaraha Dalka Kenya.

Kulamadani kala duwan ee wasiirada arimaha dIbnada dalka
Soomaaliya la qadatay madaxda Kenya ayaa ah kulanki ugu
Horeyey tan Iyo markii Xilka Loo soo Magacabay.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Todobaadkan soogaadho wadanka
Kenya Madaxweynaha Somaalia Xasan sheekh mahamud.
Askari Abdullahi
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com